Madaxweyne Siilaanyo Oo Xilalkii ay Hayeen Ka Xayuubiyey Taliyihii Ilaalada Ciidanka Madaxtooyada, Wasiir-ku-xigeenkii Amniga iyo Badhasaabkii Gobolka Gabiley, Beddelkoodana Magacaabay
Hargeysa:May,03,2014(SDN/QJ)-Madaxweynaha Soamaliland ayaa Isku-shaandhayntii uu xalay sameeyey Xilalkii ay hayeen kaga Qaaday Taliyihii ilaalada Madaxtooyada, Badhasaabkii Gobolka Gabiley iyo Waliba Wasiir-ku-xigeenkii Amniga oo ahaa xubin awood badan ku leh Xukuumaddan Maanta.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa marka la eego xil-ka-qaadista uu saddexdan xubnood ku sameeyey waxa muuqata inay ka dambaysay cabashooyin badan oo kala duwan oo la xidhiidha shaqadii ay qaranka u hayeen.
War-Warsaxaafadeedka uu Madaxweynuhu xilka kaga qaaday Saddexdan xubnood ayaa u dhignaa sidatan:
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu Digreeto Madaxweyne oo sumadeedu tahay, JSL/M/XILQ/249/1-2455/052014 xilalkii ay hayeen uu kaga qaaday Wasiir Ku-xigeenkii Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Taliyihii
Xilka Qaadista
1. Mudane, Cabdilaahi Abokor Cismaan, Wasiir Ku-xigeenkii Hore ee Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha
2. Mudane, Yuusuf Ibraahim Geedi, Gudoomiyihii Hore ee Gobolka Gabiley
3. Gaashaanle, Faysal Kaamil Ciise, Taliyihii Hore ee Ciidanka Ilaalada MadaxtooyadaJSL
Mudanayaal,
Waxa aan aad idinku mahadinaqayaa mudadii aynu wada shaqaynaynay. Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hannan karta loo dhiibo.
Sidaa darteed, waxaan gartay in aan idinka qaado xilalkii aad qaranka u hayseen.
Haddaba, waxaan idinka rajaynayaa in si niyad sami ah aad ugu wareejisaan xilalkaasi cidaan u soo igmaday.
War-saxaafadeed
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu Digreeto Madaxweyne oo sumadeedu tahay, JSL/M/XERM/249-2454/052014 ku magacaabay Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland.
Madaxweynuhu:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, xarafka (d) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Ciidanka Ilaalada Madaxtooyadu u leeyihiin dhismaha Qaranka;
Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada JSL;
Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;
Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;
Wuxuu go’aansaday
In Mudane, Axmed Cali Maygaag, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland.
War-saxaafadeed
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu Digreeto Madaxweyne oo sumadeedu tahay, JSL/M/XERM/249-2446/052014 ku magacaabay gudoomiyeyaasha Gobolada Saaxil, Sanaag iyo Gabiley
Madaxweynuhu:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay: Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyay: Ahmiyadda ay Gudoomiyeyaasha Gobolladu u leeyihiin dhismaha Qaranka;
Markuu Aqoonsaday: In baahi loo qabo buuxinta jagada Guddoomiyeyaasha Gobolada Saaxil, Sanaag iyo Gabiley;
Markuu La Tashaday: Madaxda ay hawshani khusayso;
Markuu Arkay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;
Wuxuu go’aansaday
1. In Mudane, Mustafe Cabdi Ciise (Shiine), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Gabiley ee Jamhuuriyadda Somaliland.
2. In Mudane, Fahmi Cabdi Bidaar, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Saaxil ee Jamhuuriyadda Somaliland.
3. In Mudane, Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Sanaag ee Jamhuuriyadda Somaliland.
War-saxaafadeed
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu Digreeto Madaxweyne oo sumadeedu tahay, JSL/M/XERM/249-2453/052014
Ku magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee JSL.
Madaxweynuhu:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda weyn ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo dhismaha Qaranka;
Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Wasiir Ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee JSL;
Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;
Markuu ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;
Wuxuu go’aansaday
In Mudane, Cali Maxamed Cilmi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee JSL.
ALLAA MAHAD LEH
Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.
SDN/QJ-Hargeysa