|

Madaxweyne Siilaanyo Oo Badhasaabkii Gobolka Sanaag Xilkii Ka Qaaday, Wasiir Saaxiib Dhaw ay Yihiinna U Magacaabay Xil Aan Hore u Jirin

Hargeysa:May,03,2014(SDN/QJ)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa seeftiisa sahayatay Badhasaabkii hore ee Gobolka Sanaag Axmed Maxamed Geelle Dacar, isagoo sidoo kale xil  cusub u magacaabay Wasiirkii hore ee wasaaradda Boostada iyo Isgaadhsiinta Axmed Xaashi Oday.

odayeMadaxweynaha oo xalay soo saaray degreetooyin iska soo daba dhacayey oo kala dambeeyey, ayaa Axmed Xaashi oday u  magacaabay Guddoomiyaha Guddida Xirfadlayaasha Caafimaadka oo aan hore u jirin.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay:                      Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, ee Xarafka (kh) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay:                      Qodobka 6aad ee Xeerka Guddiga Mihnadlayaasha Caafimaadka ee Xeer Lr. 19/2001;

Markuu Tixgeliyey:               Ahmiyadda Guddiga Mihnadlayaasha Caafimaadku u leedahay dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay:                      In baahi loo qabo magacaabidda Guddoomiyaha Guddiga Mihnadlayaasha Caafimaadka iyo ku xigeenkiisa

Markuu La Tashaday:          Madaxda ay khusayso;

Markuu Ku Qancay:             In ay hannan karaan, aqoon iyo kartina u leeyihiin jagadan;

Wuxuu go’aansaday

1.     In Dr. Axmed Xaashi Oday, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Guddiga Mihnadlayaasha Caafimaadka ee Jamhuuriyadda Somaliland

2.     In Mudane, Cabdiraxmaan Maxamed Axmed Doodi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga Mihnadlayaasha Caafimaadka ee Jamhuuriyadda Somaliland.

ALLAA MAHAD LEH

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)

    Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

SDN/QJ-Hargeysa

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed