|

Wasiirka Duulista oo Gaadhi Damdamis ah oo Turkigu ugu Deeqay Madaarka Gudoomay

Hargaysa 02.May 2014 (SDN/QJ)- Wasiirka Wasaaradda Duulista iyo Hawadda Md. Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa Wasiirka waxbarashada Somaliland ka gudoomay gaadhi dabdamis ah oo Dawladda Turkiga ay ugu deeqday Madaarka Hargeysa.

Damdamis-300x199Gaadhigani dabdamiska ah oo hore loogu wareejiyey Wasiirka Waxbarashada ayaa ka mid ahaa deeq shan baabuur iyo laba gaadhi oo kala ah V8 iyo Gaadhi Mine-Bus ah oo dawlada Turkigu ku wareejiyay xukuumadda Somaliland.
Munaasibad kooban oo gaadhigani dabdamiska ah lagula kala wareegayey oo shalay lagu qabtay maagalada Hargeysa ayaa waxa goob-joog ka ahaa Wasiirka Duulista iyo Wasiirka waxbarashadda Somaliland.
Wasiirka waxbarashadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan oo halkaasi ka hadashay ayaa tidhi “ maanta waxaan halkan ku wareejnayaa gaadhi dabdamis ah oo xafiiska mucaawanooyinka ee Raysal wasaarada Turkigu uu ugu deeqay madaarka Cigaal International Airport ee caasimada hargeysa, waxaan ku waraajinayaa Wasiirka duulista iyo hawadda oo halkan ila jooga, shalay ayaan anigu kala wareegay gaadhigan xafiiska Tika, waxaan hada ku waraajinayaa furayaashii gaadhiga wasiirka duulista Somaliland.”
Wasiirka Wasaaradda Duulista, Hawadda iyo Gaadiidka Cirka Maxamuud Xaashi Cabdi oo isaguna halkaasi ka hadlaya ayaa yidhi “ Wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare ee Somaliland Marwo Samsam waan u mahad naqayaa , furuhuna waa gudaan san, gaadhinagani wax weyn ayuu ka tari doonaa madaarka caasimada ee Cigaal International Airport, waxaan is leeyahay waa meesha kaliya ee uu ugu nugul yahay dabdamisku, wax badan ayaa madaarka iska badalay, maanta waxa uu sare u kacay  ilaa shan darajo intii xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ay tallada dalka haysay, meesha  kaliya ee aan is leeyahay maydaan hore marin waxay ahayd qaybta dab damiska, gaadhigan deeqda ah imaatinkiisa iyo mid kale oo weyn oo Xukuumadu ay soo iibisay oo heerka 10-aad ah oo soo socda, labadaas baabuur iyo kii hore ee joogay waxay madaarka ka dhigi doonaan inuu gaadho heerkaaynu uga baahan nahay.”
Wasiir Maxamuud ayaa sidoo kalena intaas ku daray “ dhawaan waxa wax weyn oo lagu farxo ah in madaaradeena ay ka bilaabi doonaa duulimaadyada diyaaradihii caalamiga ahaa oo Turkish Airlines ay ka mid tahay iyo kuwo kale, Turkigu waa dawlad aynu walaalo nahay oo aynu saaaxiib nahay aad ayaan uga mahad celinayaa dhamaan kaalmada aanu ka helno.” Ayuu yidhi Wasiir Maxamuud Xaashi.

Hargeysa SDN/QJ.

contact@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed