|

Kerry oo ka Degay Jabba,Kulan la qaatay Madaxweyne Salva Kiir

kker02,May,2014(SDN/QJ)-Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka John Kerry ayaa gaarey caasimadda Suudaanta Koonfureed ee Juba, waxaana uu halkaas kula kulomey Madaxweynaha Suudaanta Koonfureed Salva Kiir.

Booqashada Kerry ayaa salka ku haysa in uu cadaadis ku saaro Xukuumadda Juba iyo mucaaradka hubeysan in ay u hoggaansamaan heshiiskii ay horey u wada gaareen isla amrkaana la dardargeliyo wada hadalada labada dhinac.

Kerry ayaa ka digey colaada ka aloosan Suudaanta Koonfureed in ay keeneyso xasuuq iyo macaluul baahsan, waxaana khudbad uu maalintii shalay ka jeediyey Adis Ababa ugu cagajugleeyey in cuno qabatayn la saarayo kuwa lugta ku leh colaadaas oo ay ki jiraan Madaxweynaha Salva Kiir iyo hoggaamiyaha mucaaradka Machar. John Kerry ayaa ka sheegay Adis Ababa in Maraykanku taageerayo dedaalka dalalka deriska ah ee ku aadan Suudaanta Kkkeroonfureed.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka John Kerry ayaa ku jira socdaal dheer oo uu ku maraayo qaar kamid ah dalalka Afrika, waxaana uu Suudaanta Koonfureed kadib booqan doonaa dalalka Angola iyo Kongo Kinshasa.

SDN/QJ-Jubba

daacad@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed