|

Dagaalo iyo iska Hor-imaadyo wali ka soconya Bariga Ukraine iyo Mucaaradka oo sheegay In Diyaarad Dagaal soo Rideen

uka02,May,2014(SDN/QJ)-Ciidanka dowladda Ukraine ayaa bilaabay  hawgalo lagula dagaalayo kooxo ay dowladda ku sheegtay inay yihiin argagixiso ee ah kuwa gooni u goosad ka ah ee taageersan Ruush-ka.

Wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Ukraine Arsen Avakov ayaa sheegay in beylot helikobtar ladilay, 9 qof oo kalana la daawacay.

sagaal xarun oo jidgooyooyin ay dhigtenayaa mucaaradka lagala wareegay, sida wasiirka uu sheegay.

Hasayeeshee, kooxda  gooni u goosadka ee ku sugnaa saddex xarun  oo ku taalla magalaada Slavyansk ayaa  warbaahinta   u sheegay in ay wali xukumaan xarumahaasi.

 

Dhinaca kalena,Dabley ayaa xabadeeyay laba beylot oo ah kuwa duuliya helicobtarada ciidanka, waxaana kooxdaasi ay qabteen mid kamid ah duuliyayaashaasi.

Dagaalka ayaa u muuqday inuu badan kiisa ka dhacayay dhinacyada magaaladda Slavyansk.

Slavyansk waa meesha ay ku xoog badan yihiin kooxaha taageero Ruushka ee doonaya inay ka go’aan Ukraine, kuwaas oo maamulkooda ku sii ballaaranayo gobollada ku dhow xuduudda Ruushka iyo Ukraine.

Maalintii Khamiista, wasiirka arrimaha gudaha ee Ruushka ayaa ka digay in hadii ciidamadda Ukraine ay wax dhib ka geystaan gobolkaasi ay dhibaatooyin weyn dhicidoonaan, taasoo xukuumadda Mowcow ku qasbi karto inay tallaabo qaado.

SDN/QJ- Slavyansk

daacad@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed