John Kerry oo laga yaabo in uu Muqdisho booqdo
Adis Ababa May 02,2014(SDN)- Xoghaya arrimaha dibedda ee dalka Mareykanka ayaa booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Adis Ababa oo uu kulamo kula yeelan doono qaar ka mida madaxda geeska Africa.
Xoghaye Kerry ayaa lagu wadaa in uu madaxda Geeska Africa kla hado arrimaha Amniga iyo gacan qabadka Mareykanku u fidoyo dawladahooda.
Xoghayaha Arrimaha dibedda ee dalka Mareykanka John Kerry ayaa warar hoose oo soo baxayaa ay sheegayaan in ay suurtogal tahay in uu Muqdisho ku tago booqasho gaaban.
Halka warar kalena ay tibaaxayaan in madaxweynaha Soomaaliya uu xoghayaha ku booqan doono dmagaalada Adis Ababa.
Si kasta oo ay tahayba Xoghaye Kerry ayaa safarkiisa Africa uu u muuqdaa mid ujjeedadiisu aaney dhaafsiisneyn danaha amni ee Mareykanka.
SDN/QJ-Adis Ababa