|

Kerry oo Socdaal uu Ku marayo Qaraadda Afrika Lugtii ugu Horaysay ku Tagay Ethiopia

Adis Ababa May 01,2014(SDN/QJ)- Xoghayaha arrimaha dibada ee Maraykanka, John Kerry, ayaa ku sugan waddanka Itoobiya socdaal uu ku kala bixinayo dhowr dal oo Afrikaan ah.

Waxaa uu sidoo kale booqan doonaa dalalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo, iyo Angola.

Mr Kerry ayaa lagu wadaa in uu dalalkaasi kala hadlo colaadaha ka taagan Qaaradda, iyo sidii uu Mareykanka iskaashi dhaqaale ula samaysan lahaa wadammada Afrikaanka ah ee uu dhaqaalahoodu xowliga u kobcayo.

Maraykanka ayaa doonaya inuu qaaradda Afrika kula tartamo wadamada haatan Dhaqaale ahaan hare maraya.waxaana ugu weyn sida ay wararka dhinaca Diblumaasiyada ahi  sheegayaan Wadanka China, oo isagu Mashaariic balaadhan ka hirgaliyay Qaraadda Afrika,isaga oo Xidhiidh dhaw-na la leh badiba Wadamada Qaaradda Afrika.

.

SDNQJ-Adis ababa

daacad@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed