Puntland oo meesha ka saartay Wadada hadal ay Yeesheen Wasiiro ka socda Somaliland
Garoowe May 01,2014(SDN/QJ)-madaxda sare ee Maamul Goboleedka Somaaliyeed ee Puntland,ayaa markii ugu Horaysay ka hadlay Kulan ay Wasiiro Somaliland ka socdaa sheegeen inay kula qaateen Magaaladda Adis ababa Madaxweynaha Maamul Goboleedka Somaliyeed ee Puntalnd Dr:Gaas.Wasiirka u Qaabilsan Waxbarshadda Maamulka Puntland,oo la sheegayo inuu ka mdi ahaa Saraakiishii Madaxweynaha Safarka ku Wehelinaysay ayaa gabi ahaanba meesha ka saaray jiritaanka Kulanka labada dhinac,isaga oo intaas raaciyay in wada fadhiisiga Goobaha Lagu shaaheeyo,laguna nasto aanay ahayn sida uu yidhi Kulan Arimo labada dhinac ka dhaxeeya laga hadlayo.
waxaana hadaladiisii ka mid ahaa mar uu arimahaas ka hadlayay “Wakhtiga la fadhiyo ama shaah la cabayo ama qaxwaha loo fadhiyo waa lays arkayaa waana la isa salaamayaa dad Soomaali ah baa la yahay, mase oggi wax kulan ah oo rasmi ah oo dhexmaray Puntland iyo Somaliland.” Ayuu yidhi wasiirka Puntland.
SDNQJ-Garoowe