|

Wariye Hore Xil Muhiim ah Uga Soo Qabtay TV-ga Universal Oo Dhibaato weyni ku Haysato Dal uu Qaxootinimo ku Joogo

Hongkong:May,01,2014(SDN/QJ)-Mid ka mid ah wariyayaashii ugu caansanaa telefishinka Universal Tv oo ka howl gali jirey magaalada Muqdisho islamarkaana ahaa agaasimihii hore ee telefishinka Universal Tv xaruntiisa Muqdisho ayaa waxaa la sheegay inuu ku rafaadsan yahay oo ayna ku heysato nolol xumo iyo silic baaxad weyn dalka Hong Kong oo uu qaxootinimo isaga dhiibay.

ibraahim-jeekayAgaasimahan hore ee Universal TV, ayaa sheegay inuu Door bidi lahaa inuu ku dhinto magaalada Muqdisho marka loo eego dhibaatada uu haatan ku jiro.

Agaasimihii hore ee telefishinka Universal Tv xaruntiisa Muqdisho islamarkaana ka mid ahaa weriyayaashii ugu caansanaa ee uga howlgali jirey telefishinka Universal Tv magaalada Muqdisho Ibraahim Maxmed Xuseen JeeKeey oo mudo qiyaas ahaan laga joogo ilaa iyo 8 bilood ka hor gaadhey dalka Hong Kong ayaa waxaa uu sheegay inay nolol xumo iyo rafaad baaxad weyn ay ku heysato halkaas.

Mr jeekeey, ayaa tilmaamay inuu Naftiisa kala soo baxsaday Muqdisho, balse haatan aanu haynin wax dhaama Noloshii uu ka soo cararay.

Ibraahim Maxmed Xuseen JeeKeey oo dhawaantaan ka soo muuqday mudaaharaad ay qaxootiga ku nool dalka Hong Kong ku codsanayeen in wax laga qabto xaaladoodu nolosha ee cakiran islmarkaana ay ku cambaareynayeen in la lunsado lacagaha loogu talagalay qaxootiga dalkaas ayaa waxaa warbaahinta dalkaas Hong Kong uu u sheegay inuu ku nool yahay nolol saxariir ah islamarkaana uusan xataa mararka qaarkood 2 maalin oo isku xigta waxba cunin, asagoona sidoo kale sheegay xataa inuusan awoodin inuu iibsado koob shaah ah.

Ibraahim ayaa marka laga yimaaddo shaqada uu u hayn jirey Tv-ga Universal, waxa uu ka mid yahay kumanaan Qaxooti soomaali ah oo ku dhibaataysan dalka Hongkong, iyadoo aanay ilaa hadda dadkaasi wax rajo ah qabin.

 

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed