|

Wasiir Ka Tirsan Maamulka Gal-mudug Oo Xalay Gurigiisa Lagu Weeraray

Galkacyo:May,01,2014(SDN/QJ)-Kooxo Hubaysan oo aan Haybtooda la Aqoonsan, ayaa Habeenkii xalay Aqalkiissa ku weeraray Wasiir ka tirsan Maamulka Gal-mudug.

madamadWeerarka Dablaydu ku qaadday aqalka wasiirka waxa ku dhaawacmay mid ka mid  ah ilaaladiisa gaarka ah, lamana sheegin khasaare intaas ka badan oo halkaas ka dhashay.

Wasiirka cusub ee Warfaafinta Galmudug Xasan C/qaadir Xasan ayaa la sheegay in hoygiisa oo ku yaal Xaafada Garsoor lagu weeraray, waxaana weerarkan uu ku soo aaday, laba maalin kadib markii madaxweynaha Galmudug Cabdi Qeybdiid uu magacaabay Gole Wasiiro.

 

Xasan C/qaadir Xasan oo la hadlay warbaahinta ayaa ku eedeeyey weerarkan inay ka dambeeyeen Ciidamada ammaanka Puntland, isagoo xusay in mid ka mid ah ilaaladiisa uu ku dhaawacmay.

 

“Xalay anoo gurigeyga jooga ayaa waxaa isoo weeraray ciidan ka tirsan Puntland, gaar ahaan kuwa canshuuraha qaada”ayuu yidhi Wasiirka Warfaafinta Galmudug.

 

Magaalada Galkacyo ayaa waxaa ka dhaca falal amni daro, iyadoo bishii hore lagu dilay garoonka Galkacyo laba nin oo ajnabi ah oo u shaqeynayay mid ka mid ah Hey’adaha Qaramada Midoobey.

Sheegashadda wasiirka ee weerarkan la xidhiidhinaysa ciidanka maamulka Puntland ma jiraa warar madax bannaan oo xaqiijinayaa, waxase uu sheegayaa in cidda weerartay ay ahayd maamulka Puntland.

 

 

 

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed