Wasiir Goodax Oo Fashiliyey Ceebo Xatooyo Oo Dawladdiisa ka dhex dhacay
Muqdisho:May,01,2014 (SDN/QJ)-Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/laahi Goodax Barre ayaa daboolka ka qaaday ceebo ku dhex huursanaa Dawladda oo ay ku kaceen Masuuliyiin sarsare oo Hawlihii qaranka khiyaameeyey.
Wasiir Goodax oo Baarlamaanka Hor tegay ayaa sheegay inuu jiro Raashin loogu talo galay Dad danyar ah oo deggenaa Gobolada Bay iyo Bakool oo masuuliyiin dawladda ka tirsani leexsadeen balse markii dambe laga soo celiyey.
Goodax ayaa sheegay in dowladda ay joojisay gar gaarkii ay u diri laheyd degmooyinka, kadib markii ay ku aamini waayeen mas’uuliyiinta maamulada degmooyinka, maadaama ay xaqiijiyeen inaan deeqahaasi gaadhaynin dadkii danyarta ahaa loogu talay, taasina ay caqabad ku tahay daahfurnaanta deeqaha dawaladu bixiso.
“Arrinta raashiinka waa sax way jirtaa, xildhibaano badan oo halkan [baarlamaanka] joogana waa og yihiin in raashiin deeq ahaa oo aan u dirnay meelihii ugu horeeyay ee la xoreeyay in la leexsaday, hase yeeshee waa laga dabatagay waana laga soo celiyay.” ayuu yidhi wasiirka.
Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay,
“Waxaa jira dad mas’uuliyiin ahaa oo lunsaday raashinkii gar gaarka, waxaa dhacday raashin gar gaar loo diray Bay iyo Bakool, in badan ayaa la leexsaday, dowladda waa ka soo celisay waxaa loo diray Shabeelaha Dhexe oo ay ka jirtay xaalado bani’aadanimo”
Marar badan ayaa waxaa jiray eedeymo loo jeediyay Mas’uuliyiinta maamulada degmooyinka oo ku aadan in raashin gar gaar loogu tala galay deegaanadooda inay lunsadeen, taasna ay keentay in dowladda ay joojiso gar gaarkii la gaadhsiinayay dadka dan yarta, maadaama sidii loogu tala galay aanay u gaareyn.
Masuuliyiinta degmooyinka ayaa iyagu faa’iido ku arkay deeqaha kaga imanaya dhinaca dawladda Federalka ah, waxana ay ku dedaalaan sidii ay raashinada iyo deeqaha kale ee gacantooda soo gala u lunsan lahaayeen.
SDN/QJ-Hargeysa