Hooyada Dhashay Wiilkii Dhawaan Shaagga Diyaaradda Galay Oo La Midoobi Doonta wiilkeeda Oo Ku Sugan Maraykanka
Sheed-dheer:(SDN/QN)- Hooyo Ubax Mohamed Cabdulle oo dhashay Wiil dhawaan uu ka badbaaday Diyaarad isaga kala gooshaysay magaallooyin ku yaalla dalka Maraykanka oo uu Taayirkeeda Hoos galay, ayaa lagu wadaa inay dib ula midowdo wiilkeeda iyo carruur kale oo ay dhashay, kuwaasi oo haatan aabahooda kula nool Gobalka Kaliforniya ee dalka Maraykanka.
Ubax Mohamed Cabdulle oo haatan ku nool Xeradda Qaxootiga ee Sheed-dheer ee dalka Ethiopia ayaa sas ka qaadday markii ay Warbaahinta Caalamka ka maqashay khatarta uu galay Wiilkeeda Yaxye C/llaahi oo 15-jir ah, kaasi oo hoos galay mid ka mid ah Taayaradda Diyaarad duullimaadkeedu ahaa magaalladda Hawaay ee dalka Maraykanka, iyadoo u jeeddadiisu ahayd inuu Hooyadii u yimaaddo.
Waxa uu sheegay inuu u malaynayey inay Diyaaraddu tegi doonto dalka Somalia, si uu u soo arko hooyadiisa oo loo sheegay inay ku nooshahay Somalia, sidaa darteedna uu Taayirka Diyaaradda u Hoos Galay.
Ubax Mohamed Cabdulle oo 33-jir ah ayaa ka codsatay Dowladda Ethiopia iyo QM inay gacan ku siiyaan sidii ay u tegi lahayd dalka Maraykanka , isla markaana ula midoobi lahayd Carruurteeda oo muujiyey Sida aanu Hooyadii la’aanteed u Noolaan karaynin.
C/risaaq Cabaas Cumar oo ah Sarkaalka dhinaca Sharciga ee Hay’adda Qaxootiga (UNHCR) ugu qaabilsan Xeradda Qaxooitiga ee Sheed-dheer ee dalka Ethiopia ayaa sheegay inay Ubax Mohamed Cabdulle ku guuleysatay Wareysigii Kowaad ee Hay’adda UNHCR la yeelatay, kaas oo ku saabsanaa Codsigeeda ay ku Doonayso Tegitaanka Maraykanka.
Waxa uu intaasi ku daray haddii ay Ubax Mohamed Cabdulle ku guuleysato Wareysiga Labaad inay nasiib u yeelan doonto in dalka Maraykanka qaxootinimo ahaan loogu qaado wax yar hal Gudoheed ah.
Tallaabada uu Wiilkan yari ugu badheedhay Halistan oo Caalamka oo dhan lagaga Hadlay ayaa Sabab u noqon karta in Hooyadaasi si Fudud u tagto dalka Maraykanka oo caruur kale oo ay dhashay ku nooshahay.
SDN/QJ