Kulmiye oo Tartan la’aan Mar kale Dib u doortay Hogaankoodii hore inuu Xilka Sii hayo Shanta Sanno ee soo socda
Hargaysa 29.April 2014 (SDN/QJ)-Wararka Shabakada Qurbejoog Hadda Ka Soo Gaadhaya Goobta Uu Ka Socdo Shirweynaha Xisbiga Talada Dalka Haya Ee Kulmiye Oo Ah Huteelka Maasoor Ee Magaalada Hargaysa Ayaa Sheegaya In Laba Musharax Oo Isu Taagay Jagooyinka Guddoomiye Ku Xiggeenka Labaad Iyo Xoghayada Guud Ee Xisbiga Kulmiye Ay Ka Tanaasuleen Jagooyinkaasi
Dr Maxamed Axmed Cabdi (Carabayto) Oo Markii Hore Isku Soo Taagay Musharaxnimada Jagada Guddoomiye Ku Xiggeenka Labaad Ee Xisbiga Kulmiye Ayaa Madasha Ka Cadeeyey In Uu Ka Tanaasulay Jagadaasi Isla Markaana Uu Uga Tanaasulay Xildhibaan Waabeeye Oo Isagu Hore U Ahaa Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad Ee Xisbiga Talada Dalka Haya Ee Kulmiye
Sahra Maxamed Guuleed Oo Lagu Naasayso Basbaaso Oo Iyaduna Isku Taagtay Jaga Xoghayaha Guud Ee Xisbiga Kulmiye Ayaa Sheegtay In Jagadaasi Uga Tanaasushay Xasan Siciid Yuusuf Oo Ahaa Xoghayihii Guud Ee Hore Ee Xisbiga Kulmiye .
Intaasi Ka Dib Waxa La Guddo Galay Sidii Ergooyinka Shirku Ay Ugu Codayn Lahaayeen Hogaanka Uu Shanta Sanno Ee Socdo Yeelan Lahaa Xisbiga Kulmiye.
Waxa Si Duuduuba Loo Ansixiyey Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Oo Mar Kale Loo Doortay Muuse Biixi Cabdi, Guddoomiye Ku Xiggeenka Labaadna Loo Doortay Xildhibaan Waabeeye, Guddoomiye Ku Xiggeenka Saddexaad Waxa Loo Doortay Madaxweyne Ku Xiggeenka Somaliland, Guddoomiye Ku Xiggeenka Afraad Xildhibaan C/raxmaan Talyanle, Xoghayaha Guud Ee Xisbiga Kulmiye Oo Loo Doortay Xasan Siciid Yuusuf Halka Guddoomiye Ku Xiggeenka Koowaad Ee Xisbiga Kulmiyena Loo Doortay Maxamed Kaahin Axmed Oo Afar Qof Ay Diideen.
Waxaa Kale oo Ergooyinku Ansixiyeen golihi dhexe oo lagu kordhiyey boqol xubnood .
Wixii soo Kordha kala Soco Shabakada Somalidiasporanews.com.
Hargaysa SDN/QJ.
contact@qurbejoog.com
contact@somalidiasporanews.com