“ Anigu Meel qudha kama soo jeedo’e Nin samaroon ahna waan ahay nin Isaaq ahna waan Ahay Hooyadayna ma Dafiro, ma ihi Rasuulkii ilaahay u soo Dejiyey Samaroon,”Prof. Axmed Ismaaciil Samatar
Helisenki:April,29,2014 (SDN/QJ)-Professor Axmed Ismaaciil Samatar oo ka mid ah Aqoonyahanada Somaliland u dhashay balse hore u aaminsanaa Mabda’a Somaliweyn ayaa sheegay inuu waligiiba Maanka ku hayey sidii looga shaqayn lahaa wada jirka iyo isku duubnida shacabka ku dhaqan Somaliland.
Axmed Ismaaciil Samatar oo ka qaybgelayey Shirkii Guud ee Jaaliyahada Yurub ee Somaliland ka soo jeedaa qabsadeen, ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay inuu ku faano oo aanu ka xarragoon dhalashadiisa Somaliland-nimada ah.
Waxa uu Axmed Ismaaciil Samatar si cad u sheegay inuu Aamisan yahay inuu ka soo jeedo Guud ahaanba Somaliland oo aanu aaminsanayn inuu kaliya khaas ku yahay Gobolka uu ka dhashay ee Awdal,
“ Anigu Meel qudha kama soo jeedo Nin samaroon ahna waan ahay nin Isaaq ahna waan Ahay Hooyadayna ma Dafiro.” Ayuu yidhi Axmed Ismaaciil Samater.
Professor-ka ayaa sheegay inaanu ahayn masuulka Guud ee Qoyska uu ka soo jeedo ee Samaroonta, isagoo intaas ku daray inaanay jirin Wax ra’yi ah oo ay isaga iyo Qabiilkiisu isku ogayn, waxana uu yidhi,
“Aniga aabahay anigoo yar buu dhintay waxa tacabkii intii kale keentay Hooyaday, aniguna ma ihi Rasuulkii ilaahay u soo Dejiyey Samaroon, waxana jira dad iga Aqoon roon, iga waayeelsan, iga da’weyn oo iga waaya aragsan oo iga yaqaan siyaasadda waddanka baa jira, miisaankaaan ku leeyahayna iyaga uun baa og, waana dad ballaadhan waligayna aniga meel imay dhigin oo imay odhan halkaas noo joog oo wakiil noqo.”
Waxa uu intaas ku daray in dhammaan qoraalada iyo Codadka uu Isaga ka yimi intii uu Dhaqdhaqaaqa waday uu waligiiba ku talin jirey sidii mujtamaca Guud ahaan Somaliland ku nool la isku hayn lahaa oo aan loo kala furfuri lahayn waxana uu yidhi,
“anigu intaas aan hadlayey waxan qorayna way qoran tahay, waxan Duubayna way duuban tahaye maan odhanin dadka Samaroonka ah Somaliland waxba haku darsaninas, Aniguna somalialnd waxan ka Hadli jirey waxay Ahayd dadka reer Somaliland waa in la isku hayaa, waligayna anigoo Muqdisho jooga oo musharax ah ayaanu Faysal waakan fadhiyee aan Dood Galnay, dooddayduna waxay ahayd Somaliland ma doonayo in la kala qaybiyo waana Hal Kaliya Somaliland, waligayna cid hore ugumaan Guubaabin.”
Professor Axmed Ismaaciil Samatar oo ka mid ah Aqoonyahannada u dhashay Somaliland eek a soo jeeda Gobolka Awdal, ayaa haatan ku hawllan ololaha dhinaca Ictiraaf-raadinta iyo dedaalka lagu wado sidii ay Somaliland Caalamka uga kasban lahayd ictiraaf iyo kalsooni Buuxda.
Professor-ka ayaa Xidhiidh wanaagsan la leh Dawladdaha caalamka ugu awoodda badan, waxana uu Bare sare ka yahay mid ka mid ah Jaamacadaha ku Yaalla Carriga Maraykanka oo uu deggen yahay.
SDN/QJ