Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Yarastay Dhibka Kenya ku Hayso Soomaalida, Xidhiidhka Labada Dalna Difaacay
Muqdisho:April,29,2014 (SDN/QJ)-Madaxweynaha Dawladda Federalka Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah uga hadlay dhibaatada dawlada Kenya ku heyso dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi, isagoo difaacay Xidhiidhka Dawladdiisu la leedahay Kenya.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo saxaafada la hadlay waxyar kadib markii uu shalay galab kasoo laabtay booqasho hal maalin qaadatay oo uu ku tagay dalka Jabuuti ayaa sheegay in dawlada ay wado wada hadal ay kula jirto dawlada Kenya si Kenya ay u joojiso xadgudubka ay ku heyso dadka Soomaaliyeed.
“Xidhiidhka u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya ma aha mid xun, waa uu wanaagsan yahay. Waa jirtaa in dadka Soomaaliyeed ee halkaasi ku nool ay dhibaato la kulmaan, safiirkeena Kenya anagaa u yeedhnay si aan wadatashi ula yeelano.” ayuu yidhi madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Dad badan ayaa filayey in ficillada Kenya ee ka dhanka ah shacabka iyo diblomaasiyiinta Soomaalida ee Nairobi ay ka cadheysiiyeen madaxweynaha Somalia, mugdina ay taasi gelisay xidhiidhka labada dhinac, hase yeeshee taasi iminka ma muuqato.
Dawlada Soomaaliya ayaa weli jawaab ka sugeysa Kenya inay ka bixiso xadhiga diblomaasiga Safaarada Soomaaliya ee Kenya oo toddobaadkii hore dhamaadkiisa lagu xidhay magaalada Nairobi.
Magaalada Muqdisho waxaa hadda ku sugan danjiraha Soomaaluya ee dalka Kenya Maxamed Cali Ameeriko oo dawladu dib ugu yeedhay maalinimadii Sabtidii.
Wali ma jiro masuul Masuul Soomaaliyeed oo si cad uga Hadlay dhibaatada ay Kenya ku hayso Dadka soomaalida ah ee Nairobi deggen, waxana ay dhammaantood afkooda u diidan yihiin inay cambaareeyaan dhacdooyinka caynkaass oo kale.
Madaxweyne Xasan ayaan isaga qudhiisu wax weyn ka soo qaadin dhibka Kenya ku hayso soomaalida ay ku jiraan diblomaasiyiintiisu, waxana uu ku adkaystay inuu wali xidhiidh fiican la leeyahay Kenya.
SDN/QJ