Madaxweyne Qaybdiid Oo Si Rasmi ah Ugu Dhawaaqay Golihiisa Wasiirrada Cusub
Gaalkacyo:April,29,2014 (SDN/QJ)-Madaxweynaha maamul-Goboleedka Galmudug, Mudane Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) ayaa maalintii shalay si rasmi ah uga dhawaaqay 12 ka mid ah golihiisa wasiirrada cusub.
Qeybdiid, oo ka hadlay xafladda ku dhawaaqista wasiirrada cusub ayaa sheegay inay wali hadhsan yihiin wasaarado kale, kuwaas oo dhawaan la soo dhammeytiri doono.
Xubno ka mid ah golihii hore ee wasiirrada Galmudug ee dhowaan la kala diray ayaa ka mid ah xukuumadda cusub, wuxuuna madaxweyne Qaybdiid sheegay in wasaaradaha hadhsan ay ka soo muuqan doonaan haween.
Waa kuwan Magacyada Golaha Wasiirrada Cusub ee uu Madaxweyne Qaybdiid Magacaabay:
1.Cawke Xaaji Cabdiraxmaan – Wasiirka Garsoorka iyo Caddaaladda
2.Xarbi Cali Kulane – Wasiirka Iskaashiga iyo Xiriirka Caalamka
3.Xareed Cali Xareed – Wasiirka kheyraadka
4.Xasan Faarax Barre – Wasiirka Arrimaha federaalka iyo dib-u-heshiisiinta
5.Maxamed Cabdiqaadir Xaashi – Wasiirka Waxbarashada
6.Maxamed Aadan Qalabxoor – Wasiirka kalluumeysiga
7.Axmed Shariif Cumar Maxamuud – Wasiirka Caafimaadka
8.Cabdi Yuusuf Xasan – Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga
9.Xasan Maxamed Siciid Gacaliye – Wasiirka Xannaanada Xoolaha iyo Beeraha
10.Axmed Maxamuud Araxeey – Wasiirka Isboortiga, Shaqada iyo Shaqaalaha
11.Xasan Cabdiqaadir Xasan – Wasiirka Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta
12.Xasan Xaashi Warsame – Wasiirka howlaha guud iyo dib u dhiska
SDN/QJ\