|

Madaxweyne Gaas Oo Ka Jawaabay Hadallo Kaga Yimi Madaxweyna Siilaanyo Iyo Guddoomiye Muuse Biixi Oo La Xidhiidha Muranka Xuduudda

Garowe:April,29,2014(SDN/QJ)-Madaxwaynaha Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Mudane C/wali maxamed Cali Gaas ayaa Muujiyey inay ka go’antahay ilaalinta xuduudda puntland iyo soo celinta dhul uu sheegay inuu ka maqan yahay.

gaaskaaaMadaxwayne gaas ayaa Sheegay inay Balanqaadeen inay soo celinayaan dhulka maqan, ayna Dadaal keeda wadaan, waxaana Madaxwaynaha Puntland oo Arinkaan Ku Faafiyay Bartiisa Facebook, kadib markii ay Somaliland hawada u marisay Hadallo ay ugu sheegayso inay ka waantoobaan farogelinta ay ku hayaan meelo ka mid ah somaliland.

“Xuduudaha Puntland State inaanu Gaadhno waa Balan aanu dadka ka qaadnay waanay naga Go’antahay sida ugu Dhakhsaha badan inaanu ku Gaadhno inshallah” Ayuu Yidhi Madaxwyanaha dawlada Puntland.

Madaxwaynaha Puntland ayaa soo qaaday Awooda Ciidamada Puntland waxaana uu sheegay in Awood ay uleeyihiin Ciidanka qalabka Sida ee Puntland soo celinta dhulka Maqan.

“Ciidanka Puntland waxay awood u leeyihiin inay difaacaan qaranimadda Puntland oo ay sugaan Xuduudaha Dalka iyo Nabadiisa” Ayuu Mar kale Yidhi M Gaas.

Madaxwayne Gaas ayaa Olalihiisii Doorashada ku galay in aan faataxo lugu Soo celinayn Laascaanood & dhulka Kale fataxana aan lugu qabsan.

Hadalkan Madaxweynaha Puntland ayaa loo arkaa mid uu kaga jawaabayo Hadallo kulkulu oo Madaxweyne Siilaanyo iyo Guddoomiye Muuse Biixi Maalintii shalay Hawada u mariyeen, iyagoo u sheegay inay faraha kala baxaan Dhulka Somaliland ka tirsan ee ay ku hamiyayaan inay Haystaan ama qabsadaanba.

SDN/QJ\-Hargeysa

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed