|

Soomaali Konfur Africa xabsiga loogu dhigay Qaad

Johannesburg April 29,2014(SDN/QJ)-Ciidamada police-ka ee dalka Konfur Africa ayaa sheegay in ay Soomaali dalkaa Qaad ganacsi ahaan u geysay ay xabsiga dhigeen maalinimadii Shalay.

Police-ka ayaa sheegay in labadan ruux lagu qatay mid ka mida wadooyinka Brixton iyaga oo qaadkuna ugu jiro gaariga xagiisa danbe,sida uu sheegay madaxa Police-ka magaaladaasi Wayne Minnaar.

Qaadkan Soomaalida lagu qabtay shalay ayaa ay police-ka Brixton sheegeen in qiimihiisa lagu qiyaasay ilaa100, 000 oo Rand lacagta dalkaasi ah.

Qaadka ayaa dalka Konfur Afirca ka ah mumnuuc isla markaana cidii lagu qabtaahi ay xabsi ku muteysan kareysaa.

Mr Minnaar ayaa sheegay in ragan Qaadka lagu qabtay oo dadoodo kala tahay 30 jir iyo 32 jir ay maxkamad hortagi doonaan todobaadkan.

SDN/QJ-Johannesburg

contact@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed