|

Siiriya: Madaxweyne Assad-ka kacdoonku ku socdo oo isu sharaxay in 7 sanno oo cusub la doorto bisha June, maxaadse ka ogtahay tirada ku dhimatay qulqulatooyinka ka socda dalkiisa?

Dimishiq April 28, 2014 (SDN)- Madaxweynaha Siiriya Mr. Bashar al-Assad ayaa Isniinta maanta caddeeyay inuu u taagan yahay murashaxnimadiisa todoba sannadood oo cusub oo uu ugu tartamayo doorashooyinka madaxtinimada dalkaas ee bisha June ee soo socota.

Siday ku warantay wakaalada wararka ee Associated Press, Madaxweyne Assad wuxuu musharaxnimadiisa cusub caddeeyay, iyadoo inka badan 3 sannadood uu socday kacdoon xukunkiisa ka dhan ah oo ay ku dhinteen dad ka badan 150,000, ayna ku barakaceen 9 milyan oo kale, isla markaana keenay dhibaatooyin bani’aadaminimo.

Madaxweyne Bashar Al-Assad wuxuu marar badan soo jeediyay inuu dib-u-doorasho raadin doono, waxayna masuuliyiintu sheegeen in aanay niyada ugu jirin inuu xukunka u dhiibo, iyadoo la raadinayo xal siyaasadeed oo lagu dhameeyo khilaafka.

Mucaaradka Siiriya iyo xulafadiisa reer Galbeedka ayaa ka naqdiyay doorashada loo qorsheeyay 3-da bisha June ee sannadkan, taasoo ay ku sifeeyeen mid loogu talogalay dib-u-doorashada Madaxweyne Assad oo si aad ah loo rajaynayo inuu ku guulaysto.

Madaxweyne Assad wuxuu xilka hayay tan iyo sannadkii 2000, wuxuuna Isniinta maanta si rasmi ah murashaxnimadiisa doorashada uga diiwaangeliyay Maxkamadda Sare ee Distooriga dalkaas, sida uu Telefishanka afka dawladda ku hadlay ka sheegay Afhayeenka Baarlamaanka Siiriya Mr. Jihad Laham.

Sidoo kale, Telefishanku wuxuu baahiyay taariikh kooban oo ku saabsan nolosha Madaxweyne Assad, kaasoo uu ka soo xigtay iyadoo uu dadka reer Siiriya waydiinayo in aanay xulanin damaashaad dagaal.

Dawladda kacdoonadu ku socdaan ee uu Madaxweyne Assad hoggaamiyo, waxay waraaqaha codbixinta u soo bandhigtay inay xal u noqoto qulqulatooyinka muddada dhawrka sannadood ah ka socda dalkaas.

Qurbejoog.com, Dimishiq

Comments are closed