Wafi balaadhan oo uu hogaaminyao Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Somaliland oo ay Wehelinyaan Gudiga Dhismaha Wadad-cad oo Maanta Kormeer ku Tagay Dhismaha 20Km ee Wadad cad
28,Apr.2014(SDN/QJ)-Wafi balaadhan oo uu hogaaminyao Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Somaliland oo ay Xubno ka ahaayeen Wasiirul Dawlaha Madaxtooyada Maxamed Muuse Abees,Maareeyaha Wakaaladda Horumarinta Wadooyinka Jamhuuriyada Somaliland Prof:Xasan Cali iyo Gudiga Dhismaha Wadada cad ee isku Xidha Magaalooyinka Sallaxley iyo Hargaysa,ayaa maanta Kormeer indho-indhayn ah ku Wadada cad oo haatan si xawli ah ay u socoto hawsheedu.
Ugu horayn waxa halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Gudiga wadada cad Cali Ibraahim(Cali Sanyare),waxa uu si qoto dheer uga waramay sida ay u socotoo ilaa hadda dhismaha Jidka Wadada cad,isaga oo tilmaamay inay haatan dhamaysti doonaan 20Km oo ay gacan ka siinayso Xukuumadda Somaliland.waxaana si gaar ah ugu mahadnaqay Wasiirka Madaxtooyada Somaliland oo ay Wasaaradiisa ay hoos yimaadaan Wadooyinka dalka ka socdaa.
Waxaana hadaladii Gudoomiyaha ka mid ahaa “ Md.Wasiir sidaa ogayd 13-kii Km ee hore waa la dhameeyay ilaa Toon.maanta waa bilawga 20Km ilaa Qoolcaday.waxaanu isleenahay shanta marka la dhameeyo oo ah 5-kii Km ee Xukuumaddu nagu taageertay in 15Km ee hadhayna si isdaba jog ah loo dhamayn doono”.
Waxa kale oo uu Gudoomiyuhu sheegay inay ku hawlan yihiin in inta lagu gudo jiro sanadkan ay Higsanayaan Banka oo u baahan buu yidhi Shaqo ka baaxad weyn tan Hore loo soo waday.
Waxa isna madasha ka hadlay Gudoomiye Ku-xigeenka Gudiga Wadada cad Sheekh Maxamed Cali Geedi,waxaana uu six eel-dheer uga hadlay sida ay muhiimka u tahay inay dadku isku tashadaan oo aanay cidna wax ka sugin.waxaana uu intaas raaciyay inay dadku waxay isku dhaafeen yahay Hamiga iyo Higsiga ay umadi leedahay halka uu gaadhsiisan yahay.
Udu danbayntiina waxa soo gunaanaday hadalka Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyadda JSL,Md.Xirsi Cali Xaaji Xasan,waxaana si aad ah ugu mahadceliyay dadka reer Sallaxley.waxa kale oo sheegay in dadka wax loola qaban doono uun hadba si ay iyagu wax u qabsadaan.
Waxaana yidhi isaga oo arimahaasi ka hadlaya “wadadan runtii waanu ku faraxsanahay inay socoto,oo waliba sidii loogu talo-galay ay u socoto.dadka reer Sallaxley ee ka shaqaynaya Wadadan aad baanu ugu mahadcelinaynaa,ugu amaanaynaa,ugu mahadinaynaa dedaalka ay Sameeyeen”.
Waxaana uu intaas raaciyay in marka ay dhamaato 5Km ee ay hore ugu balanqaadeen uu amray in Mareeyaha Wadooyinku uu sii daayo 5km ee kale. Waxaana mar uu arintaas ka hadlayay uu yidhi “shantaa Km ee aanu hore ugu balnqaadnay markay dhamaadaan,waxa uu Maareeyuhu waa kaa ila joogee uu amar ku haystaa inuu Shanta kalena Sii daayo”.
SDN/QJ-Sallaxley