|

“Waxaan u soo jeedinayaa inay ka waantoobaan inay shirweyneyaasha u agaasimaan hanaankii shir beeleedyadda,” Xoghayaha Waddani

Hargaysa 28.April 2014 (SDN/QJ)-Xoghayaha  Guud ee xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Maxamed Cabdilaahi Uur-cadde ayaa xisbiga tallada haya ee KULMIYE ku eedeeyay inay shir beeleed ka dhigeen shirweynahoodii oo ay hab qabiil ku soo xuleen ergadii maanta ka qeyb galay shirweynaha saddexaad ee xisbul xaakimka.

Xoghayaha WADDANI oo maanta goob joog ka ahaa furitaanka shirweynaha KULMIYE, ayaa bogaadiyay shirweynaha KULMIYE. “Waan hambalyeynayaa shirweynaha saddexaad ee xisbiga KULMIYE, hase yeeshee waxaan u soo jeedinayaa inay ka waantoobaan inay shirweyneyaasha u agaasimaan hanaankii shir beeleedyadda,”ayuu yidhi Xoghayaha Guud oo maanta u warramayay laanta afsoomaaliga ee BBC-da.

Mr. Uurcadde waxa uu intaas ku daray “Waxay ahayd inay shirweynaha ku soo xulaan goboladda iyo degmooyinka. Laakiin imika waxay ergadii ku qeybiyeen hab qabiil.”

Guddoomiyaha xisbiga tallada haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi ayaa ku dooday inaanay si rasmi ah hanaan beeleed ugu soo xulin ergadda shirweynaha KULMIYE oo tiradoodu ahayd 1162 ergay.

“Kumanaan soo xulin Beelo ergada shirweynaha saddexaad ee xisbiga KULMIYE, waxa lagu soo xulay goboladda iyo degmooyinka, laakiin beeluhu si marka loo eego way ku salaynaan karaan oo waa nidaamkii aynu wax ku soo dhisanay Soomaalidana qabiilku aad ayuu ugu badan yahay,”ayuu Muuse Biixi kaga jawaab celiyay eeda ka soo yeedhay sarkaalkaas u hadlay xisbiga WADDANI.

Hargaysa SDN/QJ.

contact@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed