Garnaqsi Xalay Dhexmaray Madaxweyne Siilaanyo iyo Xasan Gaafaadhi iyo Ballan-qaadyo ay Xil wasiirnimo Ugu Horrayso Oo Xasan Ku Ilaaway Hankiisii Hore
Hargeysa:April,28,2014(SDN/QJ)-Guddoomiyihii Ururkii Dhacay ee Rays Xasan Gaafaadhi ayaa ugu dambayntii lagu qanciyey inuu ka tanaasulo hankiisa ah inuu Hurgureeyo Kursiga Ku-xigeenka Koowaad oo uu haatan ku fadhiyo Maxamed Kaahin Axmed.
Haddaba Mudane Xasan Gaafaadhi oo hore munaasibado ugu sheegay inuu u taagan yahay Kursiga Guddoomiye-ku-xigeenka Koowaad ee Xisbiga, ayaa la saaray Culays badan sidii uu hankaas uga noqon lahaa, taas oo ugu dambayntii uu aqbalay.
Sida ay sheegayaan wararka ay helayso Qurbejoog.com, waxa ugu horrayn Gaafaadhi la hor geeyey Madaxweyne Siilaanyo oo ay wada Qaateen Fadhi saacado badan ah, taas oo keentay inuu dib uga noqdo hankiisii uu hore u shaaciyey.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa hore ergooyin badan ugu diray Gaafaadhi inuu ka noqdo dhawaaqa ka soo yeedhay, balse taas dheg jalaq uma uu siinin, waxana ku adkaystay inuu calafkiisa qaadi doono.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa isagu si toos ah afkiisa ula baxay Xasan Gaafaadhi, waxana ay si weyn isula qaad-qaadeen Duruufaha Siyaasadeed ee haatan ku Gedaaman Xisbiga iyo Dawladdaba, waxana uu si weyn ugu sharraxay Madaxweynaha Hawlo adag oo uu soo galay kuwaas oo ka soo bilaabmaya Aasaaskii Ururkii Rays.
Gudoomiye Gaafaadhi ayaa madaxweyne Siilaanyo u sheegay inaanay u jeeddadiisu ahayn inuu Shan sano oo kale uu iska dhex joogo xisbiga oo uu daba fadhiisto Hoggaanka Xisbiga, isagoo aan mansab sare qabanin.
Waxa uu sidoo kale madaxweyne u balbalaadhiyey inuu soo galay Kharash badan, kaas oo uu doonayey inuu ku gaadho Hankiisa ah inuu mar uun helo waddo uu Kuraasta waddanka ugu sarraysa ku gaadhi karo.
Sida ay sheegayaan Ilo Goob-joog ka ahaa kulankaasi, madaxweynaha ayaa si weyn u garwaaqsaday Hadalka Xasan Gaafaadhi,waxase uu hor dhigay Arrimo badan oo ay ugu horrayso duruufaha Siyaasadeed ee dalka ka jira, waxana uu halkaas ka siiyey ballan-qaadyo uu xasan ugu dambayntii aqbalay.
Ugu horrayn waxa uu madaxweyne Siilaanyo Xasan gaafaadhi ka maray Dhinaca Reerka, waxana uu u sheegay inaanay Haboonayn inuu Somaliland oo dhan kaligii looga Taag-waayo Kursiga uu Maxamed Kaahin ku Fadhiyo, taasina ay noqon doonto wax taariikhda Gala, isla-markaan Colaad iyo necbaanshiiyo kala dhex dhiga Guud ahaan Reerka.
Madaweynaha ayaa sidoo kale xasan hor dhigay inuu sheegto wixii uu kaga Gam’ayo kursiga uu doonayo, taas oo aakhirkii keentay in wax la isla meel dhigo.
Waxyaabaha uu xasan Gaafaadhi Sheegtay ee loo ballan qaaday waxa ugu horreeya in la siin doono Lacago Kharashaad ah oo uu sheegay inay kaga Baaba’een Ururkiisii Rays oo uu doonayey inuu masab sare ku qabto, taasna waxa Ballanqaaday Madaxweyne Siilaanyo oo tilmaamay in Hadii uu si kale u bixin waayo uu jeebkiisa ka bixin doono.
Arrinta Muhiimka ah ee Xasan gaafaadhi ku kalliftay inuu ka tanaasulo kurisigiisa ayaa lagu sheegay in uu madaxweynuhu Ballan ugu qaaday inuu dhawaan siin doono Xil wasiir oo waliba muhiim ah.
Xilka loo magacaabayo Xasan si toos ah looguma sheegin, balse waxa loo sheegay in la raacin doono isku-shaandhaynta ugu horreysa ee uu madaxweynuhu sameeyo oo dhawaan la filayo.
Cadaadis badan oo xasan la saaray iyo ballanqaadyo uu intooda badan madaxweyne Siilaanyo u sameeyey ayaa keenay inuu ka noqdo dhawaaqiisii ahaa inuu u taagan yahay kursiga ku-xigeenka koowaad ee Xisbiga Kulmiye.
Sidoo kale wararka aanu hayno ayaa sheegaya inuu xasan Gaafaadhi badka soo dhigay Cabasho gaar ah oo beesha uu ka soo jeedaa ka qabto xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, taas oo udub-dhexaad u ah inuu yeesho Han uu wax ku raadsan karo.
Madaxweynaha ayaa isaga laftiisu garawshiiyo ka bixiyey Hadallada la xidhiidha Saluuga Beesha Uu xasan ka soo jeedaa ka dhex aragtay maamulkiiisa, waxana uu ku ballan qaaday inuu wax ka qaban doono.
SDN/QJ-Hargeysa