|

WAX KA BARO 18 MAY IYO SOOYAALKA TARIIKHDA SOMALILAND

Somaliland wali caalamka kama helin aqoonsi buuxa. Somaaliland waxay xad la wadaagtaa Jabuuti,Itoobiya iyo Soomaaliya. Somaliland waxey kamid aheyd dalalkii Ingiriisku gumaysan jirey, waxeyna xornimadda qaadatey Juun 26 1960 afar maalmood ka dibna waxay la midowday  Soomaliya oo Talyaanigu guumeysan jiray. Sanadkii 1991 ayey Somaliland ku dhawaaqday inay midawgii Soomaaliya ka noqotay, waxayna la baxday magaca Somaliland magaalo-madaxna waxaa u noqotay magaalada Hargaysa. Cabdiraxmaan Axmed Cali Tuur oo ahaan jirey hogaamiyihii Ururkii Dhaqdhaqaaqa Wadaniga Somaliyeed SNM, ayaa loo doortay inuu noqdo madaxweynahii ugu horeeyay ee Somaliland. Waxaa ku xigey Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaaloo noqdey Madaxweynihii Labaad ee Somaliland, waxaana ka danbeeyay Daahir Rayaale Kaahin. Aminkan la joogo waxa madaxwayne ka ah Axmed siilaanyo. Somaliland waxaa ka jira saddex xisbi siyaasadeed oo kala ah Kulmiye, Wadani iyo UCID.

Somaliland Waxa Soo Maray Saddex Madaxweyne oo Xukunka Isaga danbeyay Madaxweynaha Haatan talada haya waxa lagu soo doortay Doorasho dadweyne oo toos ah oo si xor uga dhacdey Somaliland dadka somaliland waxa ay mujiyen in ay yihiin bulsho nabadeed oo deriskooda nabad kula nool, dadka Somaliya waa inay ka fekaran sidii ay iyagu u noolaan lahayen oo nolashooda ugu koobnaan lahayen, somaliland hadii ay gundhig u ahayd midninadii somaliya ee lagu jabay haatan diyaar uma aha in ay somaliya wax la wadaagaan somalidu taa ha fahanto somaaliland qabaa,ilada wada degaa waa ku qanacsan Yihiin Guud ahaan Aftidii Dastuurka Somaliland oo Xaqiijinaysay Gooni isu taaga ayaa laga qabtey wadan ka gebi ahaan 2001.

Taariikhda aadka u fog

Somaliland waa magac aad u cusub marka la eego taariikhda uu wadankani leeyahay jamhuuriyada somaliland waxaa horay loogu magacaabijiray dhulkii uduga iyo cadarka ama uduga waa sida ay u yaqaaneen masaaridii horee. halka giriigii hore ay u yaqaaneen dhulkii berbera waa halka uu kasoo jeedo magaca berbera xiligii muslimka amaba qarniyadii uu muslimku soo gaadhay somaliland waxa looyaqaanay dhulkii saylac ugu danbayntii xiligan aan joogno waxa lagu magacaabaa somaliland.

Taariikhda iyo 18 may 1991

In ka badan 10 sano oo halgan hubaysan oo ay hogaaminayeen xoogagii jabhadii SNM ka dib, waxay waxgaradka, siyaasiyiinta, aqoonyahanka iyo hormuudka qabaa’ilka iyo bulshada Somaliland ku heshiiyeen 18kii May in ay la soo noqdaan xorriyadii luntay 26kii June 1960.

18ka May waa maalin ku suntan taariikhda Somaliland. Waa maalin jiilashii hore u ah xusuus, jiilasha danbena dhiirigelin iyo rajo. Waa maalin ay ka badbaaday Somaliland inay ku dhacdo god madow. Waa maalin mudan in dib loo xasuusto taariikhdii madoobayd ee halgankii, rafaadkii, barakacii, iyo baa’bii ku dhacay bulshada Somaliland. Waa maalin mudan in la xasuusto kumanyaalkii halyey ee u duurgalay inay dulliga ka dulqaadaan shacabkooda. Waa maalin mudan in loo duceeyo intii ku geeriyootay halgankii dheeraa ee dalka loo soo maray. 18May waa maalin mudan in laga farxiyo agoontii iyo dumarkii ay ka tageen halgamayaashaasi. Ma soo koobi karno qiimaha ay maalintani ugu fadhido qarankan, iyo muhiimada ay leedahay.

Somaliland waxay leedahay laba taariikhood. Taariikhdii ka horeysay 1991kii dibna ugu noqonaysa ilaa wakhtigii xornimada laga qaatay gumaystihii Ingiriiska 26kii Juun 1960. Taariikhda labaad ee Somaliland ayaa ah tan hadda socota kana soo bilaabaysa wakhtigii dib loola soo noqday xorriyadii luntay 1960kii.

Wakhti badan ku lumin mayno ka sheekaynta duruufihii hore iyo wixii ka horeeyay 1991kii, balse waxaynu is dultaagi doonaa xaaladihii kala duwanaa ee ay Somaliland soo martay tan iyo 1991kii.

Somaliland waxa lagaga dhawaaqay magaalo madaxda gobolka Togdheer ee Burco 18kii May 1991kii. Waxa Burco iskugu yimi oo go’aankanna wada qaatay dhamaan beelaha Somaliland oo ay ku jiraan kuwii aan ka qayb qaadan halgankii dib loogu soo xoreeyay Somaliland. Shirweynahan Somaliland lagu guddoonsaday wuxuu sidoo kale noqday kii ay beelaha Somaliland si rasmi u iskugu saamaxeen isla markaana iskula qaateen in loo wada midoobo sidii Somaliland looga midha dhalin lahaa. SHirkan waxa hormood u ahaa oo hagayay xubnihii Jabhaddii SNM, iyo golihii guurtida. Waxa iyaguna lagu casuumay oo door muhiim ah ku lahaa madaxdhaqameedkii beelaha darafyada ee Somaliland, iyo siyaasiyiinytii aan SNMta ku jirin.

Ilaahay naxariistii Janno haka waraabiyee waxa wakhtigaa ahaa gudoomiyihii SNM marxuum Cabdiraxmaan Axmed Cali, waxaana ku xigeen u ahaa Xassan Ciise Jaamac oo isagu haatan nool. Waxaynu wax ka soo qaadan doonaa khubdadii ay shirkaa ka jeediyeen Marxuum Cabdiraxmaan Axmed Cali iyo Ilaahay ha u naxariistee marxuum Ibrahim Maygaag Samatar oo wakhtigaa ahaa guddoomiyihii golaha dhexe ee SNM.barmaamujkan waxaan kaga qaybqadanayaa xuska 18ka may oo bulshada somaliland qaali ku ah dhiigana kaga xardhan …..

 

Qalinki wariye Mohamed Ahmed Cige(mohamed case)

ahmedfarah43@gmail.com

 

Comments are closed