Xaraaradda Kulmiye Oo Hoos U Dhacday iyo Tanaasulkii Gaafaadhi Oo Xiise Tiray Shirweynaha
Hargeysa:April,28,2014(SDN/QJ)-Tan iyo markii uu soo baxay warka ah inuu Guddoomiyihii hore ee Urur-siyaasadeedkii Rays ka tanaasulay dhaqaaqiisii ahaa inuu u taagan yahay Kursiga Guddoomiye-ku-xigeenka Kowaad ee Xisbiga, ayaa waxa Hoos u dhacay Xiisihii iyo Xamaasaddii laga filayey Shirweynaha Maanta Furmayya.
Is-sharraxaadda Xasan Gaafaadhi ayaa xiiso gaar ah u yeelaysay Shirweynaha, maadaama oo uu ahaa shakhsiga kaliya ee badheedhihiisa dhiibtay, isla-markaana si cad u sheegay inuu u taagan yahay sidii uu ugu tartami lahaa kursiga uu hadda ina Kaahin ku fadhiyo.
Shirweynaha ayaa laga filayey inuu Xasan Gaafaadhi ka helo taageero badan oo keeni karta in la ogolaado in lagu tartamo dhammaanba kuraasida sare ee Xisbiga oo haatan ay ragga hayaa Kooto ku xidheen, taas oo keeni karaysay in cid kasta ooh an lihi ay badheedhaheeda dhiiban karayso si tartan xalaal ahi u dhaco.
Arrintaas ayaa sidoo kale waxa ku hoos gabbanayey rag badan oo xisbiga ka mid ahaa, kuwaas oo doonayey haddii uu xasan Gaafaadhi xisbiga dhexdiisa sharraxaadiisa la yimaaddo oo waliba uu taageero ka helo inay iyaguna halkaas ka sheegtaan hanka ay leeyihiin iyo meesha uu hungurigu ka hayo.
Guuxaas hoose ee Xisbiga dhexdiisa ka jirey waxa uu warwar ku abuuray Kooxda Hoggaanka haysa oo aan doonayn in cidi la tartanto, waxana ay dagaal ka galeen sidii xasan loogu qancin lahaa inuu ka noqdo rabitaankiisa wax kasta oo ay ku kacaysaba.
Ugu dambayntii waxa lagu guulaystay in xasan Hankiisii meesha laga saaro, waxana ay taasi xiiso iyo xaraarad-ba tirtay shirweynaha, iyadoo ka dhigtay shirka mid wax waliba iska sii astaysan yihiin oo aanay jirin cid tartamaysa iyo meel loo tartamayo midina.
Shirweynaha ayaan wax macno ah oo sidaas u weyn lahayn maaadaama kuraasida sare oo dhami ay cid gaar ah u xidhan yihiin, waxana si weyn u faa’iidaya Hogaanka sare oo dhammaantood cod loogu ansaxin doono kuraasida ay ku fadhiyaan.
SDN/QJ-Hargeysa