Maxkamada Gobolka Hargaysa oo Mudaysay Xiliga Dhagaysiga Dacwada Haatuf +Xeerka Saxaafada oo aan lagu qaadayn + Dhibanayaasha oo Noqday Qaranka JSL
Hargaysa 27.April 2014 (SDN/QJ)- Maxkamadda Gobolka Hargeysa ayaa mudaysay dacwada loo haysto mas’uuliyiinta Wargeyskii la xayiray ee Haatuf.
Maxkamadu waxay u cayintay dhegaysiga dacwada loo haysto mas’uuliyiinta Wargeyska Haatuf 04/05/2014 oo ah maalin Axad ah, sidaasna waxa lagu sheegay qoraal baafin ah oo uu maanta soo saaray Garsooraha Maxkamada Gobolka Hargeysa Jamaal Axmed Maxamed (Caga-weyne).
Qoraalkaasina waxa uu u dhignaa sidan:
Dhibane: Qaranka JSL iyo dhibbaneyaal
Eedeysaneyaal 1 – Yuusuf Cabdi Gaboobe (Guddoomiyaha Wargeyska Haatuf)
Ku eedaysan qoddobada 287, 215, 328, 269 (2), 451 (3), 45, 44 71 XCG.
Ujeeddo: Baafin Eedaysaneyaal
Maxkamadda Gobolka Hargeysa, iyada oo tixraacaysa gal-dacwadeedka summadiisu sare ku xusan yahay ee ka dhexeeyay labada dhinac ee sare ku xusan, waxay u mudaysay maxkamadu maalinta Axada ah ee taariikhdu tahay 04/05/2014 marka ay saacadu tahay 9:00 subaxnimo, waxa la amrayaa eedaysaneyaasha inay ka soo qaybgalaan dacwada ciqaabta ah ee summadeedu sare ku xusan tahay.
Sidaas darteed, waxa la farayaa eedaysaneyaasha inay dhawraan waqtiga iyo saacada loo qabtay.”