Tirada Shaqaalaha TV Qaranka ee UK Ma Saami Beeleed Baa?
shaqooyin aan jirin oo qaranka laga muushaar qaato- Xaq-daro iyo Khasaare Qaran dheh!
Waa Sideese Tiradan Saayidka ahi? Waxa aynu ognahay in shirweynihii xusbiga Kulmiye uu bilaabmayo maalinta Isniinta sida la shaaciyey. Shirkaa waxa lagu sheegay in lagu qaybiyey saami beeleed, sidoo kalena waxaynu ognahay in xukumada Axmed Siilaanyo ay ku shaqyso nidaam beeleed ay shaqsiyaadka ku siiso ama ugu magacawdo xililal iyadoo lagu raaligalinayo magaca beeleed, balse aan loo eegin yaa gudan kara shaqada iyo yaa aqoon u leh. Haddaba anigoo ka mid ah dadka aqoonta u leh nidaamka maamul kana gaadhay ilaah heer jaamacadeed, ilaa haddana ku shaqeeya waax ka mid ah waaxaha magaalada London ayaa waxa aan u kuur galay TV Qaranka Somaliland laantiisa UK oo aan dhawr
jeer booqday xaruntiisa ku taal Crown House ee dhanka galbeed oo ay ku yaalaan TV-yada kale sida Horn Cable TV iyo kuwo kaleba. Xaruntan oo aan xaalkeeda ogaa ilaa iyo habeenkii aanu xaflada ugu qabanay waaxada Harrow sanadkii 2011-kii, xiligaas oo uu joogi jiray Khadar Gaas oo looga dhigay maareeye-waaxeedka qaarada Yurub, sidii uu sheegay Faysal Cali Sheekh oo habeenkaas xaflada lagu qabtay Harrow ku dhawaaqay, waxa aan hore ula yaabanayn bulshadayda ka soo jeeda Awdal iyo Salal wax qof kali ah looga laga soo dari waayey dadka meesha ka shaqeeya iyo sobobta ay beel kali ahi iskugu urursatay meesha ee aan loo sinayn ka shaqaynta xaruntan oo ay jiraan dad badan oo aqoon u leh in ay ka shaqeeyaan dhan walaba. Hase ahaatee aan la siiyaabay sida beesha uu Siilaanyo ka soo jeedo ee Habar Jeclo meesha iskugu urursata. Waxa xarunta TV Qaranka UK ku qoran 16 qof oo ay 14 yihiin beesha Siilaanyo, kuwaas oo la sheegay in ay meesha ku yimaadeen eex iyo kaligood iska fuudh yeela xarun bulshada ka wada dhaxayn lahayd. Ninka isagu ku magacaaban agaasime-waaxeedka, C’raxman Adan Dhari ayaa la sheegay in dusha laga keenay maareyaasha TV Qaranka, magacaabistiisana waxba laga weydiin, sida laga soo xigtay Qaasim Xasan Mataan oo maareeye-ku-xigeen TV Qaranka ah oo dhawaan yimid London, wax awood ah uma laha in ay wax ka badalaan tirade beelaysan ee meesha isku urursatay, waayo waxa waxa ay tood ugu xidhan yihiin Xirsi iyo Baashe oo maamla TV Qaranka. Arinta la yaabka lehi waxa weeye, TV xaruntiisa oo aan ka fogayn halka uu ku yaal guriyagu inta badan markaad tagto waxa aad ugu tagyesaa qof ama laba qof, mana arkaysid nimanka ku qoran in ay yihiin masuliyiinta, sida C/raxmaanka oo la og yahay in uu shaqo kale iska haysto oo uu degan yahay magaalada dhankeeda kale iyo ninka la yidhaa Ina Bacow oo la sheego in uu yahay nin buka oo aan sariitaba ka soo kicin, haddana qoran gudoomiye ka mushaar badan shaqaalaha dhabta u jooga sida ninka la yidhaa Xadhigle iyo ku yar oo reer Xamaraawi ah oo aan inta badan meesha ugu tago. Hadaba waa yaabe qaranku ma sidan ayuu ku jirayaa oo reer baa meel walba laga fuudhyeelayaa, miyaanse qaranka loo naxayn maxaa dad aan meesha ka shaqayn iyo wax ay soo saaraanba yahay wax aan la arag, marka laga reebo maray madaxu timaad oo ay la hoos yaacaan makarafoonada mooyaane. Waxaan lee yaha waa tirada shaqaalaha tv qaranku ma saami-beeleed baa, haddii ay tahayna waa side dheeraadkan uu qaatay reerka Siilaanyo ee sida aan wax-isku falka lahayn ay ugu urureen min London, Birmingham ilaa Cardiff!! Waanu dhaleecaynaynaa haddii aanu nahay reer Awdal iyo Salal sida shaadka oo kale ee ay isku leekaysiiyeen shaqooyin aan jirin oo qaranka laga muushaar qaato- Xaq-daro iyo Khasaare Qaran dheh!
Muuse Abiib Aadan London, awdali@mail.com