|

Dad 100 kor u dhaafaya oo maanta lagu qabqabtay Nairbi

27,Apr.2014(SDN/QJ Wararka galabta laga naga soo gaadhaya  Magaalada Nairobi ee Caasimada Kenya, ayaa waxay sheegayaan Ciidamada Kenya in maanta hawgal ballaran ka sameeyeen xaafadaasi.

Ciidamada, ayaa hawlgalkaan ku qab qabtay ugu yaraan 100 ruux oo Soomaali ah, iyadoo dadkaasi qaarkood laga soo qab qabtay guryahooda, xilli ay gudaha ugu jireen.

Dadka lagu soo qab qabtay hawlgalkaan, ayay Ciidanka Kenya u kala qaadeen Saldhiga Booliska ee Pangani iyo Garoonka kubadda cagta ee Kasarani, si halkaasi loogu baaro.

Fawziya Cumar oo ah Suxufiyad Soomaaliyeed kana hawlgasha Radio Barkulan, ayaa ka mid noqotay dadkii maanta lagu qab qabtay hawlgalka xaafada Islii.

Benson Kibue, Taliyaha Ciidamada Booliska ee Magaalada Nairobi, ayaa Twitter-kiisa ku sheegay in ujeedka hawlgalka uu yahay, in laga hortaggo dadka bilaa Sharciga ah, dibna loo fasixi doono dadka Sharciyada leh, sida uu yidhi.

Waxa si kala sooclahayn u soconaya Raafka baasan ee lagu hayo Somalida Islii.dad Magaaladda Ku sugan oo ay u suuragashay inay Shabakadda Caalamiga ah ee Qurbejoog.com,ay xidhiidh la samayso ayaa si kooban noogu sheegay in aanay meeshani ahayn meel lagu sii sugnaan karo,amacaa adiga oo Sharci haysta.waxaana ay intaas ku dareen in iyaga iyo Hantidooduba ay Halis ku jirto.

.SDN/QJ-Nairobi

daacad@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed