|

Xaalalada Kulmiye: Cir-na kaa dheer Dhul-na Kaa Dheer

27,Apr.2014(SDN/QJ waxa si xoogan looga dareemayaa Magaaladda Hargaysa Shir-doceedyo kala duwan oo ku aadan Shirweynaha Xisbiga Taladda Dalka haye ee Kulmiye oo lagu waddo in maalinta bari ah 8:00,Subaxnimo uu ka furmo Hotel Maansoor ee Magaaladda Hargaysa.

Waxaan ilaa hadda muuqan in si-afrad buuxda laga gaadhay muranka iyo Isjiid-jiidadka ka taagan TIRADDA Ergooyinka ay Beeluhu helaan.waxaana soo baxaya Beelo xor leh oo ku adkaysanay in aanay haba yaraatee wax shaqo ah ku lahayn ka qeyb galka shirka Xisbiga,iyaga oo si aad ah u saluugsan saamiga ay beel ahaan ka heleen Ergadda uga Qeyb galaysa Shirka.

Waxa iyana aan wali meela lagu tiirin oo su’aalo badani ay Dul-hoganayaan Agandaha Shirka looga hadayo.Masuuliyiinta sar sare ee Xisbiga mudada gadh-wadeenka ka ahayd ayaa iyana la sheegayaa in Khilaaf xoogan iyo kala shaki baaxad lihi uu hadheeyay.ka dib markii sida muuqata ay meesha ka baxay kootadii lagu talo-galay in uu Xisbigu ahaado,oo 10-kii qodob ee Gudiga Tur-xaan bixintu soo saartay shirweynaha lagu ansixiyo.

Waxa magaaladda la sudhay Boodhadh waaweyn oo lagu Xardhay ereyo ka turjumaya shirka iyo madasha lagu qabanayo.

Warar hoose oo shabakkada caalamiga ah ee Qurbejjog.com,ay helayso ayaa sheegaya in Muuse Biixi iyo Xirsi,ay si weyn isku maandhaaf sanyihiin kharash la sheegayo inuu maudda uu shirku socdo ku baxaya oo si cad loo ogayn.

Waxa iyana jirta in Xildhibaan Talyanle oo ah Gudoomiye ku-xigeenka 3-aad ee Kulmiye uu soo gaabiyay Safar uu isaga iyo Wafdi uu Hogaaminyaa ay ugu bixi layaayeen Qaraadda Yurub,si ay Jaaliyadaha Dibadda ugala Qeyb galaan Xuska 18 May,ka dib markii uu ogaaday in Kursigii baayac yahay oo ay suura galtahay in loo tartamo.

Si kasta ha ahaate shacabka iyo guud ahaanba dadka sida dhaw ula socda Siyaada Somaliland,ayaa si dhaw ula socda sida ay wax u dhacaan 48 ee inagu soo Foolka leh

.SDN/QJ-Hargaysa

daacad@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed