|

Raiisul Wasaaraha Dalka Koonfur Kuuriya oo isu casilay Dooni dalkaa xeebehiisa ku degtay iyo casharka Siyaasiyiinta Soomaalida ka baran karaan

Seoul  April 2014(SDN)-Raiisul wasaaraha dalka Konfur Kuuriya Mr. Chung Hong-won ayaa shaaciyay in uu xilkii iska casilay ka dib kolkii xukuumada uu madaxda ka yahay ay ku fashilantay maareyta doon dhawaan xeebaha dalkaas ku degtay oo siday boqolaal.

Doonta degtay ayaa siday 476 ruux oo u badnaa ardey iyo macalimiin waxaaney degtay bishan aynu ku jirno 16 keedii.

“oohinta qoysaska dadkoodii badu liqday Ayaan ka seexan waayay,maareynta baadigoobka dadkii doontu la degtayna xukuumada aan madaxa u ahay waa ay ku guul dareysatay”ayuu yiri raiisul wasaaruhu.

Doonta ayaa badaha dalkaasi ku degtay ka dib kolkii xamuul ay siday uu dhan u batay ka dibna ay bada ku dhex qalibantay.

“Sida saxda ah Ayaan u arkaa in xukuumadeydu raali gelin buuxda ay siiso dadka dhintay qiysaskoodii isla markaana aan is-casilo”ayuu mar kale yiri Mr. Chung.

Siyaasiyiinta Soomaalida Ayaan marnaba sidan oo kale u aqbalin khaladaadka ay galaan isla markaana aan u qaadan goaamo geesimo ku dheehan oo lagu saxayo.

SDN/QJ-Seoul

contact@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed