|

Kenya Oo Jawaab Adag Ka Heshay Dhiggeeda Sucuudiga kadib Xadhigii Sucuudiyaanka ay Shabaabka ku Eedaysay

Nairobi:April,27,2014 (SDN/QJ)-Safaaradda Dawladda Sucuudigu ku leedahay Dalka Kenya ayaa si cadho leh uga jawaabtay Xadhigga nin sucuudiga  u dhashay oo kenya ku xidhay Dalkeeda, kaas oo ay ku eedeeyeen inuu shabaabka ka tirsanaa.

ebooIbraahim Barnawe, oo ah ku-xigeenka safiirka Sacuudiga ee dalka Kenya ayaa beeniyay arrintaasi lagu soo xidhay ninkaasi dhalasho ahaan ka soo jeeda Sacuudiga, wuxuuna sheegay in ciidanka ammaanka Kenya ay ku qaldameen ninkaasi.

“Axmed Hanas waa nin Sacuudiyaan ah, waan arday wax ka barta dalka Hollan, wuxuuna u yimid jaziirrada Luma ee dalka Kenya dalxiis ahaan, mana dooneynin unuu ku biiro ururka Al-Shabaab” ayuu yidhi Mr. Ibraahim Barnawe.

Ku-xigeenka safiirka Sacuudiga ee dalka Kenya yaa tegay magaalada Mombasa, si uu u soo sii daayo muwaadinka Sacuudiyaanka ah oo uu xusay inay ku qaldameen ciidanka amaanka Kenya xilli uu dal xiis ahaan u joogay halka laga soo qabtay.

Wuxuu kaloo sheegay in muwaadin walba uu xaq u leeyahay inuu dalxiis u tago Jariizzada lamu ee dalka Kenya, waxana uu tallaabo qaldan u tilmaanay  in qof dalxiis ah wax uusan shuqul ku laheyn in lagu xidho, laguna eedeeyo.

Ciidanka amaanka ee Kenya ayaa ninkan ka soo qabtay Jaziiradda Lamu oo ah goob si aad ah loogu dalxiistago, iyagoona ku eedeeyay inuu u socday dalka Soomaaliya si uu ugu biiro dagaalyahannada ururka Al-Shabaab.

Jawaabtan ay Kenya ka heshay dalka Sucuudiga ayaan wali laga Haynin dawladda Xasan Sheekh oo kumanaan Muwaadiniinteeda ay ka masuulka tahay ahi ku silcayaan Jeelasha dalka Kenya.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed