|

“Gobolka Sool dadku waxa ay cabbaan biyo qadhaadh, kuwii qadhaadhaa ayaaba hadda gabaabsi ku dhaw” Cali Sandule

Laascaanood 26.April 2014 (SDN/QJ)- Wasiirul Dawlaha Nabadaynta Barriga Cali Maxamuud Axmed (Cali-sandule), ayaa mar kale ku celiyay baaq ku saabsan abaaro ka jira Gobolada Bariga.

Cali Sandule waxa u sheegay in Gobolada Barriga ay ka jiraan Biyo yaraan iyo waliba abaar baahsan oo ku siman Gobolka Sool.

Waxa uu baaq u diray Hay’adaha Caalamiga ah, hay’adaha dawlada iyo cid kasta oo wax ka geysan karta abaartan.

Sidaasna waxa uu ku sheegay mar uu u waramayay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da waxaanu yidhi

”.Horta gobolada barigu waa wada qabaan abaarta, gobolka sool dhamaantiinba abaar baa ka jirta, Xoolaha iyo dadkuna waxa ay u baahan yihiiin.,Xukuumada, hay’adaha caalamiga ah iyo waliba hay’adaha dawliga ahba waxa aan ugu baaqayaa in la soo gaadho dadkan iyo xoolaha labadaba.”

Wasiirul Dawlaha Nabadaynta Gobolada Bariga Cali Maxamuud Axmed Cali Sandule waxa uu sheegay in Gobolka Sool biyo yaraanta ay u wehelinayso biyo qadhaadh oo hadda ku sii dhaw yihiinba Gabaabsi “Gobolka Sool dadku waxa ay cabbaan biyo qadhaadh, kuwii qadhaadhaa ayaaba hadda gabaabsi ku dhaw” ayuu yidhi.

Laascaanood SDN/QJ.

contact@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed