Gudoonka Baarlamanka Somalia oo Xukuumada ka dalbaday inay Go’aan ka soo saarto Xadhiga Qunsulkii Somalia ee Kenya
Muqdisho 26.April 2014 (SDN/QJ)- Guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ka dalbaday xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya inay go’aan ka soo saarto xariggii ciidamada Kenya ay u geysteen qunsulka safaaradda Soomaaliya ee Kenya, Siyaad Maxamuud Shire.
Guddoomiyaha oo maanta ka hadlay fadhigii baarlamanka ayaa sheegay in qaabka loola dhaqmay qusulka uu ahaa mid xad-gudub ku ah xeerarka caalamka ee diblumaasiyiinta.
Wuxuu intaas ku daray in baarlamanka uusan u dulqaadan karin falalka nuucaas ah oo uu ku tilmaamay takri-fal.
Guddoomiye Jawaari ayaa xusay inay qaraar ka soo saari doonaan falkaas haddii aysan xukuumadda go’aan deg-deg ah ka soo saarin.
Siyaad Maxamuud Shire oo ah qunsulka safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay Kenya ayaa dhowr saac u xirnaa ciidanka Kenya xalay, balse mar dambe ayaa la sii daayay.
Muqdisho SDN/QJ.