|

Maamul Goboleedka Punt land oo Diiwaangelin ku Samaynaya Dhakhaatiirta ka Hawl Gasha Deegaanka Maamulkooda

Garowe 26.April 2014 (SDN/QJ)- Amar maanta oo Sabti ah 26.April.2014 kasoo baxay xafiiska wasiirka caafimaadka Puntland Dr.Saadiq Eenow ayaa lagu sheegay in Dhakhaatiirka Puntland ay is-diiwaan galiyaan.

Dr.eenowWasiirka Caafimaadka ayaa sheegay mudo 20-cisho ah inay haystaan Dhakhaatiirta ka shaqaysta gobaladda Puntland ayna iska soo diiwaan galiyaan xarumaha ururka dhaqaatiirta ay gobalada ku lee yihiin.

“Waxaa lala socod siinayaa Dhammaan Dhakhaatiirta ka howlgala gudaha Puntland in ay iska soo diiwaan galiyaan xafiisyadd ururka Dhakhaatiirta ee Gobaladda Puntland,muddo dhan 20-cisho”.

“Ururka Dhakhaatiirta waxay usoo gudbin doonaan wasaradda Caafimaadka xarunteeda dhexe si loo siiyo Oganlaansho u khatar kasta ku shaqaynsan kato,ka dib arka la hubiyo aqoonta iyo khibada dhakhtarnimo”.

Docda kale wasiirka Caafimaadka ayaa goor sii horaysay sheegay inay ka go’an tahay sidii wax looga qaban lahaa dhakhaatiirta sida beenta ah uga dhex shaqaysanaya gobalada Puntland,waxana dhowaan Puntland laga musaafariyay Nin Keenyaan ah oo dhakhtarnimo in mudo ah ku shaqaysanayay.

Ururka dhakhaatiirta Puntland ayaa ku howlan sidii wax looga qaban lahaa baahiyaha caafimaad ee ka jira gobalada Puntland iyadoona ay ugu daran tahay dhibaatooyinka soo food saara hooyada uurka leh iyo xiliga ay dhasho.

Garowe SDN/QJ.

contact@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed