Hoggaamiyaha Ururka Al-shabaab Oo Xabsiga Dhigay 11-Sarkaal Oo Ururkiisa Ka Tirsan
Baraawe:April,26,2014(SDN/QJ)-Sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Degaanka Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose, Hoggaamiyaha Kooxda Alshabaab Axmed Cabdi Godane ayaa xabsiga u dhaadhiciyey saraakiil sare oo kooxda ka mid ah.
Saraakiisha la taxaabay ayaa lagu eedeeyey inay Baalmareen amarka hoggaamiyaha, waxana la amray in la xidhxidho.
Wararku waxa ay intaa kusii darayaan in Shalay gaar ahaan Galinkii danbe Saraakiil Alshabaab ah lagu Xidhay Saldhig ku yaala Magaalada 11 ka mid ah Saraakiisha, waxaana la sheegay inay baalmareen Amarka Hogaamiyaha.
Saraakiisha lagu Xidhay Saldhiga ayaa waxaa ku jira Sargaal sare oo lagu Magacaabo C/xafiid C/laahi Mursal”Tima weyne” oo Al-shabaab Xilal kala duwan ka soo qabtay, waxaana la sheegay inuu si cad u sheegay inuu dhacay Axmed Godane islamarkaana Kooxda ay u baahan tahay Hoggaamiye Cadaan ah, sida ay wararku sheegayaan.
Waxaa sidoo kale jira Saraakiil kale oo iyaguna kasoo horjeestay Axmed Godane kuwaasi oo iyaguna la saftay Saraakiisha cadaanka ah ee kasoo horjeeda Axmed Godane inkastoo ay warar hoose sheegayaan in qaar kamid ah Saraakiishaasi lagu xakumay dil, halka qaarna ay fududaha.
Hoggaanka Sare ee Ururuka Alshabaab ayaa muddooyinkii dambe waxa soo wajahday culays kaga yimi dhinaca Ciidanka Huwanta ah ee Weerrarada ku haya, waxana ay haatan iskugu urureen Deegaanka Baraawe oo ah Goobta ay xooggoodii iskugu geeyeen.
S.D.N/QJ
Contact@somalidiasporanews.com