|

Baaxaadega Xisbiga Kulmiye +Muuse Biixi oo Waayi doona Xubnihii ay Halganka Dheer ee Hogaaminta Xisbiga Soo Wada Galeen iyo Bedelkoodii oo la sii Calaamadiyay

Hargaysa 26.April 2014 (SDN/QJ)-Loolanka kala riixashada Hogaanka Sare ee Xisbiga Kulmiye ayaa Sadexdii Habeen ee u danbeeyay Cirka isku sii shareeray kadib markii ay soo baxeen Siyaasiyiin damac ka hayo Kuraasta Xubno ka Mid ah Madaxda Kulmiye.

Inkastoo ay Wax Waliba ku Cadaan doonaan Marka uu Shir Weynaha Sadexaad ee Xisbiga Kulmiye Furmo maalinta Isniinta ee Soo Socota ayaa Warar lagu Kalsoon yahay oo ay Shabakada Qurbejoog ka heshay Xubno u dhuun daloola Shir doceedyada sida hoose u socda ayaa sheegay in aqlabiyada gudida fulintu ay isku raacsan tahay in Gudoomiye ku Xigeenka 1aad ee Xisbiga Kulmiye laga dhigo Xasan Gaafaadhi oo todobaadkii tagay Shaaciyay inuu u taagan yahay Jagada Gudoomiye ku Xigeenka 1aad ee Kulmiye ee uu hayo Maxamed Kaahin Axmed ,Sidoo kale Waxaa lagu Wadaa in Gudoomiye ku Xigeenka 2aad oo uu hayay Xildhibaan Waabeeye uu bedeli doono Siyaasi ay isku beel yihiin,Halka Sidoo kale Xildhibaan Talyaanle lala doonayo Jagadiisa inuu Buuxiyo Xubin uu Wato Garaad Jaamac ,halka Xoghayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye oo uu haatan Hayo Xasan Siciid uu baroosinka ugu soo Jiro Maxamed Ibraahin Qabo,Cida qudha ee aan Kursigiisa la hungurayn ayaa Noqday Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi .

Wararka ayaa Sheegaya in Xalay ay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye,Ku Xigeenadiisa iyo Xoghayaha Guud ayaa Isku afgaran Waayay Qaabka wax loo wado iyagoo ku eedeeyay Gudoomiye Muuse Biixi inuu qayb ka Yahay Inqilaabka lala maagan yahay hasa yeeshee  Mudane Muuse Biixi ayaa ku afgobaadsaday inaanu waxba kala socon arrimahan soo kordhay waxay Gudoomiye ku Xigeenadu dooda qadiyadooda Xudun uga dhigeen in hadii la isla soo sharaxo la jebinayo Go’aamadii Gudidii Turxaansaarka , Warku waxa uu intaas ku darayaa in Gudoomiye Muuse Biixi uu Markaas kadib u  Kicitimay aqalka Madaxweyne Xigeenka oo noqday Xarunta looga arrimiyo Xisbiga Kulmiye.

Si kastaba ha ahaatee Kacdoonada Siyaasadeed ka dhex aloosan Xisbiga Kulmiye ayaa dadka Siyaasada Falanqeeya waxay ku tilmaamayaan Mid ku jira Xaaladii kala furfuranka iyadoo la filayo in Xubno Miisaan ku dhex lahaa talada xisbigaasi ay daaqada ka baxaan halkoodana ay soo galaan Shakhsiyaad ay dawladu wadato oo aan habeena u soo dhibaatoon Xisbiga Kulmiye .

Hargaysa SDN/QJ.

contact@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed