|

Xaruntii Guud ee Xisbiga Kulmiye oo laysku Farasaaray iyo Khasaaraha ka Dhashay

26,Apr.2014(SDN/QJ)-Qaar kamida Xildhibaanada Golaha Wakiilada Ee Xisbiga KULMIYE ayaa Saaka isku fara-Saaray Xarunta Xisbiga oo lagu qaybinaayey Kaadhadhka Ergooyinka Shirweynaha Xisbiga oo maalinta 28-ka bishan lagu qabanaayo magaalada Hargeysa.

Wararka hada soo gaadhaya shabakadda Caalamiga ah ee Qurbejoog.com, ayaa sheegaya in labada Xildhibaan ay isku maandhaafeen Tirada ergooyinka uu mid waliba uu si gaara u qaadayo.

Xildhibaanadan oo ka soo jeeda deegaanka Sool ayaa waxaa ay kala ahaayeen Xildhibaan Dhakool ,Xildhibaan Cabdirashiid ducaale Qandi oo wasiir ku xigeen ka haa dawladii daahir riyaale ,waxaana ay wararku tibaaxayaan in hada labada Xildhibaan mid kamid ah uu u soo gaadhay dhaawac fududi.

SDN/QJ-Hargaysa

daacad@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed