Somaliland: Shaqaalaha Dawladda Oo Saaka Fasax ah iyo Salaad Roob Doon ah Oo Dalka Laga Oogayo
Hargeysa:April,26,2014(SDN/QJ)-Gebi ahaanba Shaqaalaha Dawladda Somaliland ayaa Maanta Shaqooyinka ka nasanayo kadib amar ka yimi wasaaradda Qoyska iyo Arrimaha Bulshada xilli la filayo in Salaad Roob Doon ah dalka laga Oogo.
Salaadda Roob Doonta ayaa lagu waddaa in laga Oogo Gobolada iyo Degmooyinka Somaliland, waxana amarkaasi ka yimi dhinaca Wasaaradda Diinta iyo Awqaafkta Somaliland.
Masuuliyiinta Xukuumadda ayaa lagu wadaa inay Salaadda la tukadaan Shacabka, iyadoo u diyaargarow ballaadhan laga arkayey Gaar ahaan Caasimadda, waxana dadweynuhu iskugu iman doonaan Goobihii hore loogu tukan jirey Salaadda Ciidda.
Somaliland ayaa sanadkann laga dareemayaa Roob yaraan laxaad leh, waxana ay taasi keentay in lagu dhawaaqo Salaad Roob doon ah.
Shaqaalaha Dawladda ee La Fasaxay ayaa looga Gol leeyahay inay fursad u helaan tukashada Salaadda Roob Doonta ah, waxana Eebe La Weydiisanayaa inuu Roob cirka ka soo shubo.
Waa sunne islaami ah in marka ay xaaladdu sidan oo kale noqoto ee Roob yaraani dhacdo in Eebe la weydiisto inuu raxmaadkiisa shubo, iyadoo lagu rajo weyn yahay in ducada la aqbali doono.
SDN/QJ-Hargeysa