Kalfadhigii 24-aad Ee Baarlamaanka Somaliland Oo Toddobaadkan Furmaya, Mudanayaasha Oo U Miciyo Lisanaya Madaxweyne Siilaanyo Oo Isku Soo Dubbaridanaya Khudbad-Sanadeed Baarixi ah
Hargeysa:April,26,2014(SDN/QJ)-Waxa Badhtamaha Toddobaadkan aynu jirno lagu wadaa inuu furmo Kalfadhigii 24-aad ee Golaha Wakiillada Somaliland, iyadoo madaxweyne Siilaanyo Khudbad-sanadeedkii labada Gole oo muddo dhaaf ah laga sugayo.
Aqalka Baarlamaanka oo ay ku jiraan Mudanayaal Mucaarid u badani ayaa waxa ka socda Abaabul dheeraad ah oo la xidhiidha su’aalo la doonayo in madaxweynaha laga weydiiyo arrimaha Maamul iyo kuwa dhaqaale ee Dalka, iyadoo ay mudanayaasha mucaaridka ahin u malcuunsan yihiin madaweynaha.
Mudanayaasha ayaa haatan ku hawllan sidii ay jawaabo ugu heli lahaayeen su’aalo badan oo xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ku Gedaaman, kuwaas oo ay ugu horrayso Farogelin ay ku hayso Arrimaha Garsoorka oo cabasho badan iyo dulmi badani ka taagan yahay tan iyo intii xukuumadda Kulmiye Xukunka Qabsatay.
Mudanayaasha ayaa arrintan u daliishanaya Qaylo-dhaan bilo ka hor ka soo yeedhay Xubnaha ugu sarreeya Garsoorka dalka oo xukuumadda, gaar ahaan wasiirrada ku eedeeyey inay farogelin ku hayaan arrimahooda oo ay ka shaqayn kari la’yihiin.
Qaylo dhaantaantaas hore uga soo yeedhay Garsoorka ayaa wax aka markhaati kacay shacabka oo indhahooda ku arka habeen iyo maalin wasiirro iyo madax kale oo ku hawllan burinta iyo kala tuuridda xukuno maxkamado ku rideen qaraabadooda iyagoo adeegsanaya Shaadhka iyo awoodda Dawladda, taas oo uu madaxweyne Siilaanyo ka gaws adaygay inuu wax ka qabto markii dhawaqaasi gaadhay.
Arrimaha Kale ee Madaxweynaha La Doonayo in wax laga weydiiyo, ayaa wax aka mid ah Farogelin qaawan iyo cabudhinta ay xukuumaddiisu gaar ahaan madaxtooyadu ku hayso Hay’adaha Warbaahinta madaxa bannaan ee Dalka ka jira oo ay qaarkood sifo sharciga ka baxsan Albaabada ugu laabtay.
Arrintan cabudhinta saxaafadda iyo xorriyatul-qawlka ayaa ugu mudan arrimaha madaxweynaha su’aalaha ugu badan laga weydiin doono, isagoo in badan ka cago jiiday inuu mudanayaasha hortago.
Waxa kale oo ka mid ah su’aalaha Madaxweyne Siilaanyo la hor dhigi doono arrimaha Shidaal-qodista iyo habka qandaraasyada loo bixiyo oo aan ilaa iyo hadda caddayn, waxana taas inuu ka jawaabo hore u diiday Wasiirka Macdanta iyo Tamarta, kaas oo libin iyo isku hallayn uu Madaxweynaha ka Haysto darteed si cad u sheegay inaanay Baarlamaanku xagba u lahayn inay wax ka weydiiyaan Arrimaha Qandaraasyada oo wax badani ku hadoodilan yihiin.
Madaxweynaha ayaa ayaa isaga qudhiisu si dhaw ula socda arrimaha ka socda Baarlamaanka, maadaama ay kooxaha mucaaridka ahi haatan cudud ku dhex leeyihiin oo aanay fududayn inuu sacabkii hore ka helo.
Goobaha kale ee Mudanayaashu calaamadsadeen ayaa wax aka mid ah doorashooyinka oo shaki laga muujinayo xilliyada ay qabbsoomayaan oo aan wali caddayn, iyadoo aan la diyaarinin Tallaabooyin badan oo ay ahayd inay sanadkan gudihiisa dhamaadaan.
Madaxweynaha Somaliland ayaa Haatan ku mashquulsan kala hufidda iyo kala hormarinta Qudbad-sanadeedkiisa, waxana laga yaabaa inuu shirweynaha Kulmiye ka dib hortago labada Gole oo laga sugayo iyadoo ay Gebogebo tahay Bishii Afraad ee Sanadku.
SDN/QJ-Hargeysa