|

Taliyaha Boooliska iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya Oo ka Badbaaday Qarax la Doonayey in Lagu Khaarajiyo

Nairobi:April,26,2014 (SDN/QJ)-Sida ay sheegtay Warbaahinta Dalka Kenya, waxa warar dheeraad ahi ka soo baxayaan weerarkii habeenkii arbacadii ka dhacay Afaafka hore ee Saldhigga Pangani ee magaalada Nairobi.

uhuuuuuuXogaha la helay ayaa sheegaya in labadii nine e Qaraxaasi fulinayey uu qorshahoodu ahaa sidii ay isku qarxin lahaayeen Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya iyo Taliyaha Guud ee ciidanka Booliska Dalkaasi.

Labadaa Mas’uul ayaa habeenkaa lagu casuumay Dhismaha Telefishinka KTN, si ay uga qeyb galaan Barnaamij Toos (Live) loo daawan lahaa, iyadoo uu baabuurkaasina ku jihaysnaa Goobta ay madaxdaasi ku sugan yihiin ka hor intii aan laga Shakiyin.

Ilo dhinaca Sirdoonka Kenya ayaa sheegay in ragga Soomaalida ee watay gaadhi miineysan la rumeysan yahay inuu hadafkooda ahaa weerarkaasi lagu beegsan lahaa Madaxdii habeenkaasi lagu waday inay Wareysi Toos ah ka bixiyaan Dhismaha Telefishinka KTN ku leeyihiin waddada 12th Street ee Xaafadda Eastleigh ee magaalladda Nairobi.

Lenku iyo Kimaiyo ayaa waqti dambe yimid Xarunta Telefishinka, iyadoo Eyda loo tababaray urinta waxyaabaha qarxa la geeyey Dhismaha ka hor inta uusan qaraxu dhicin.

Dhinaca kale, Labada Nin ee falka is-qarxinta geysatay ayaa la sheegay inay waddo qaldan mareen, taasi oo keentay inay la kulmaan Bar-kontorool oo ay Bolis badan joogeen.

Markii la joojiyey ayaa Labo Sarkaal waxay soo raaceen gaadhigii, kuna amreen inay toos u aadaan Saldhigga Boliska ee Pangani, laakiin inta uusan gaadhigu gelin Xayndaabka Saldhigga ayuu qarax ka dhex dhacay gaadhigii oo noociisu ahaa Toyoto NZE.Qaraxaasi waxaa ku geeriyootay Labadii Sarkaal iyo Labadii Soomaaliga ee gaadhiga wadatay.

Isqarxintaasi ayaa noqotay tii labaad ee ka dhacda dalka Kenya, iyadoo Is-qarxintii koowaad lala beegsaday Safaaradda Maraykanka ku leeyahay Nairobi sannadkii 1998-dii.

Isku dayga Noocan oo kale ah iyo kalsoonida kooxdan Qaraxa Wadday ayaa Gebi ahaanba Dalka Kenya ka abuurtay Cabsi ballaadhan oo la xidhiidha inta ay gaadhsiisan tahay awoodda kooxda Dagaalka lagula jiro ee Alshabaab.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed