Wasiiro ka Socda Dawladda Somalia oo Safar ugu Baxay Dalalka Tanzania iyo Imaaraadka Carabta
25,Apr.2014(SDN/QJ)- Wafdi ballaadhan oo uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibadda, C/raxmaan Ducaale Bayle iyo wasiirka maaliyadda, Xuseen Cabdi Xalane, ayaa maanta safar shaqo ugu ambabaxay dalka Tuuniisiya, kaddib casuumaad rasmi ah oo ay ka heleen bangiga horumarinta Afrika iyo dowladda Tuuniisiya.
Wasiirrada ayaa lagu wadaa muddada ay joogaan dalka Tunisia inay la kulmaan, Donald Kaberuka, oo ah madaxweynaha bangiga horumarinta Afrika, qaar ka mid ah madaxda waaxyaha kala duwan ee bangiga, wasiirka arrimaha dibadda Tunisia, Mongi Hamdi, wasiirka dhaqaalaha iyo maaliyadda, Hakim Ben Xamuuda iyo mas’uuliyiin kale.
C/raxmaan oo shir jaraa’id ku qabtay garoonka diyaaradaha Muqdisho inta aanay dhoofin ayaa sheegay in madaxda bangiga horumarinta Afrika ay kala hadli doonaan fududeynta deeqaha maaliyadeed ee ay ugu talo-galeen Soomaaliya, ayna qaar ka mid ah wasiirrada dowladda Tunisia u bandhigi doonaan hindise cusub oo horumarinaya xidhiidhka labada dal, kana qayb-qaadanaya kobaca dhaqaale iyo maal-gashiga .
Sidoo kale, wasiirka ayaa intaas ku daray in socdaalkooda Tunisia kaddib ay u gudbi doonaan dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta oo ay kaga qeyb-gali doonaan shir ku saabsan maal-gashiga.
Wasiirka ayaa wuxuu carrabaabay inay la kulmi doonaan dhiggiisa Imaaraadka Carabta, Sheekh Cabdallah Bin Zayed Al Nahyaan iyo wasiirro kale, ayna kala hadli doonaan fulinta mashaariic horumarin oo dib u dhiska iyo maal-gashiga Somalia ku qotoma.
SDN/QJ-Muqdisho
contact@somalidiasporanews.com