Madaxtooyada Puntland Oo Sheegatay Deegaano Ka Tirsan Somaliland, Kuna Gooddiday Inuu Gaas Dhawaan Booqan Doono
Garowe:April,25,2014(SDN/QJ)Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Quraan jecel oo la hadlayey warbaahinta ayaa ku hanjabay in madaxweyne Gaas uu tegi doono Gobolada iyo sanaag oo ka mid ah Somaliland, balse ay Puntland afka ka sheegato.
Afhayeenka oo la hadlayey saxaafadda ayaa si gaar ah uga Hadlay Gobolka Sool oo uu ku sheegay mid aan gorgortan geli Karin.
Waxa uu Afhayeenku Tilmaamay inaanu Gobolkaasi Baryo iyo Hadal midna ku jirin oo uu ka mid yahay Dhulweynaha Puntland,
“Gobolka Sool waxa uu ka mid yahay Puntladn, wax baryo ah iyo wax hadal ahna kuma jiro, Haddii qayb la haysto iyo Haddii qayb lagu soo Duulo waa difaac iyo in Puntland xuduuddeeda la ilaaliyo, “ ayuu yidhi Qur’aan jecel.
Waxa uu intaas ku daray in su’aalo badan oo Madaxweyne Gaas hore looga weydiiyey xilliyada uu tegayo Gobolada Gacanta Maamulka ka maqan uu qaar ka mid ah ka jawaabay xilliyadii uu booqday Goobaha ay deggen yihiin Ciidamadii uu hoggaamin jirey Kornayl Afguduud oo dhawaan Shabaabku dileen, waxana uu yidhi,
“Sidaad la socotan Madaxweynaha Su’aalo badan baa la weydiiyey, Waxana uu ka jawaabay Maalintii la Dilay Kornayl Afguduud markii uu isdul taagay Meeshii lagu dilay, ciddii dishay iyo ciidankii uu haystay isagoo dul taagan.”
Qur’aan jecel ayaa si cad u sheegay in Deegaanad Sool iyo Sanaag ay ka mid yihiin Puntland, isla-markaana Madaxweynuhu xilli uun Booqan doonno, waxana uu yidhi,
“Sool waa puntland, sanaag waa puntland annaana Hadda ka hadlaya, xuduudda puntland waa muqadas madaxweynuhu waa tegayaa, Sool Munaasibadeeda maalinta ay taagan tahay ayaa laga Hadlayaa.”
Hadalkan ka soo yeedhay Afhayeenka Madaxtooyada Maamul-goboleedka Puntland ayaa ku soo Beegmaya xilli ay ciidanka Qaranka Somaliland Kaabiga u saaran yihiin inay soo Xidhaan Xudduuda Somaliland, iyagoo kulaalaya Deegaanka Taleex oo ay Maleeshada Khaatumo gacanta ku hayso.
SDN/QJ
Contact@somalidiaporanews.com