|

Hankii Gaafaadhi Oo Taageero Ka Helay Beesha Bariga Burco iyo Maxamed Kaahin Oo Cidla Taagan

Burco:April,25,2014(SDN/QJ)-Beesha Bariga Burco ayaa iskugu biyo shubanaysa  sidii ay taageeradeeda u siin lahaayeen Musharax Xasan Cali Maxamed Gaafaadhi oo dhawaan iclaamiyey inuu u taagan yahay Jagada Kuxigeenka Koowaad ee Xisbiga Kulmiye oo uu ka mid yahay Haatan.

gagaafBeesha inteeda badan ayaa si weyn u soo dhaweeyey Hanka iyo dhiirranaana uu xasan Gaafaadhi ka dhex sameeyey Xisbiga Dhexdiisa, waxana ay shirar lagu taageerayo Xasa Gaafaadhi ka socdaan dhammaanba Gobolada Beeshu Degto, iyadoo  maalintii shalay ay waxgaradka, odayaasha, dhallinyarada, aqoonyahanka iyo Haweenka Magaalada Burco ee Beeshu ku dhawaaqeen  inay si buuxda u taageersan yihiin Musharaxnimada Xasan Gaafaadhi.

Sidoo kale waxa la filayaa in dhawaan Deegaanada Bariga ka Xiga Magaalada Burco ee Beeshu degto lagu Qabto Shirar kale oo lagu iclaaminayo taageerada Guddoomiye Gaafaadhi oo haatan ah shakhsi taageero ku dhex yeeshay guud ahaanba Somaliland, maadaama oo uu noqday Shakhsiga kaliya ee iska indha Tiray Tallaabadii ay Hoggaanka Xisbigu ku diideen in cidi la tartanto.

Dhinaca kale waxa Soo  baxaya inaanay Beesha Bariga Burco wax taageero ah u haynin Mujaahid Maxamed Kaahin oo muddo soo ahaa Guddoomiye-ku-xigeenka Xisbiga Kulmiye, isla-markaana haatan ah dadka Kootada loogu xidhay inaan tartan lala gelin.

Beesha Bariga Burco ayaa saluugsan xilka uu ina Kaahin xisbiga ka dhex hayo, waxana ay intooda badani doonayaan in la beddelo, taasina waxa ay keentay in Xasan Gaafaadhi oo taageero fiican ka kasbado Beesha, maadaama aan lagu faraxsanayn in Maxamed Kaahin uu shan sano oo kale  Halkaas Sii Fadhiyo.

Xasan Gaafaadhi ayaa isagu sii wata Ololihiissa uu ku doonayo Kursiga Labaad ee Xisbiga ugu sarreeya, waxana uu ololihiisu sii socdaa Magaalooyinka ceel afweyn, Caynaba, Oog, ceerigaabo iyo Degmooyin kale oo Beeshu degto, waxana arrintaas aad uga warwarsan Hoggaanka Xisbiga oo aad u diidan olohan uu wado Xasan Gaafaadhi.

Ma aha bariga Dalka oo kaliya meelaha Xasan Gaafaadhi laga Taageersan yahay,balse waxa jira Goobo ku yaalla Galbeedka Somaliland oo si weyn looga Taageersan yahay, waxana Shacabka ku dhaqan Gobolka Awdal ay wadaan Dhaqdhaqaaqyo ay ku taageerayaan Gaafaadhi oo loo arko shakhsi qaaday Tallaabo Geesinimo leh.

Shirweyanaha Xisbiga Kulmiye ayaa haatan lagu dhawaaqay inuu qabsoomayo 28-ka bishan, waxana la filayaa inuu halkaas Xasan Gaafaadhi kaga dhawaaqo musharaxnimadiisa, iyadoo aanay Hoggaanka xisbuguna arrintaas ogolan, waxana laga yaabaa in Arrintaasi ay carqalada ka dhex dhaliso xisbiga iyo  Gaafaadhi.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed