|

Wadaad Soomaali ah Oo Ku Dhawaaqay inuu Hayo Daawada HIV/Aids-ka, Baaqna u Diray Soomaalida Xanuunkan la Nool iyo Caalamkaba

Kismayo:April,25,2014(SDN/QJ)-Sheekh Caan ah oo ku sugan Magaalada Kismayo ee xarunta Gobolka Jubadda Hoose ayaa shaaciyey inuu hayo Daawadda lagu Daweeyo cudurka HIV/Aids-ka oo aan wali dunidu u helin wax daawo ah.

hiv-curtSheekh Maxamuud Bukhaari ayaa sheegay inuu Allaah u saqiray daaweynta ilaa toddobo bukaan ah oo qabay cudurka, isla-markaana ay haaan caafimaad qabaan.

Wuxuu sheegay in daraasadda uu ku daaweynayo dadka qaba HIV/AIDS ay noqotay mid midho dhal ah oo natiijo fiicani ka soo baxday.

Dhowr jeer oo hore ayuu isku dayay inuu la xidhiidho warbaahinta Soomaalida si uu u shaaciyo daawada uu helay, balse uma ay suurtogelin sheekhaas caanka ah ee hadda dhawaaqani ka soo baxay.

“Waxaan hubaa inay daawadan tahay daawada dhabta ah ee caabbuqa HIV. Ma hayo wax kale oo aan idhaahdo. Dhammaan dadkii aan ka daaweeyay xannuunka markii baadhitaan lagu sameeyay waxaa caddaatay inaanay qabin cudurka,” ayuu yidhi Sheekh Maxamuud Bukhaari oo ku sugan xaruntiisa caafimaadka ee Kismaayo.

Wuxuu ka codsanayaa warbaahinta Soomaalida inay baahiso warkiisa, si  ay isu daaweeyaan Bukaan badan oo Soomaali oo la tiicaya Xanuunkan dunidu aanay xalka u haynin.

Sheekh Bukhaari ayaa sheegay in daawayntiisa aanay raad-reeb ku yeelaneyn xubnaha jidhka bukaannada qaadanaya daawayntiisa.

“Uma baahna qofka bukaanka inuu xilli kasto cuno daawada, marka uu dhammaysto, insha Allaah waa uu ka reysanayaa cudurka.”

Wuxuu ugu baaqay khuburrada iyo saynisyahannada ku takhasusay cudurka HIV/AIDS inay booqdaan xaruntiisa Kismaayo, si looga dhigo daawo caalami ah oo lagula tacaalo dhammaan bukaannada ku nool adduunka.

Wuxuu sheegay in daawadiisa laga heli karo Kismaayo, laguna iibsan karo qiimo aad u jaban, iyadoo lagala soo xidhiidhi karo Telefoonadan hoos ku qoran, +2526 183 506 69.

Qurbejoog.com ma caddayn karto  sida dadkan sheeku sheegayaa ay uga bogsadeen cudurkan, lamana ay kulmin dadka uu sheegay inay xanuunka ka bogsadeen.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed