|

Maayarka Berbera oo Maalgaliya Meelaha Dhaliyarta lagu Dhaqan Xumeeyo iyo Gudida Wanaagfarista oo aan waxba ka ogeyn

HargaysaApril 25,2014(SDN/QJ) Mudo kudhawaad 6 bilood waxaanu ukuurgalney bal warar si qarsoodiya nagu Soogaadhey in aanu wax ka ogaano taasi oo aanu aakhirkiina ku sameyney dabagal balaadhan oo aanu ku raadineyno xogta rasmiga ah ee ku saabsan arintan oo nagu noqotey fajiciso aan bulshada inteeda badani ka war qabin.

Maayarka magaalada Berbera C/shakuur Cidin ayaa mudadii 7 bilood ah ku foogaanaa in uu magaalada ufasaxo guryo gaara oo ay galaan dad Aafeeyey dhalinyartii magaaladaasi kuwaas oo leh guryo caana oo kuyaale daafaha magaalada Berbera. Maayarka ayaa isna kamida dadka guryahan sida gaarka ah utaga kuwaas oo ay ka dhex socdaan dhaqan xumo ka baxsan Diinteena Islaamka. Maayarka Berbera oo ah masuulkii usareeyey ee magaalada ayaa Shaqadiisa intabadan ka doorbidey in uu fadhiyo Guryahaa oo lagu baabiiyey dhalinyo ubadan Dumar kuwaas oo labarey balwado kala duwan , Waxaanu mudo ukuurgalney arintan oo nagu noqotey wax cajiiba taasi oo aanu dabagal ku sameyney baaxadle.

Guryahan ayaa gaadhaya 6 guri oo dhamaantood Kiradooda uu bixiyo maayarka magaalada Berbera C/shakuur Cidin taasi oo uu kabixiyo Cashuuraha laga ururiyo dadka masaakiinta ah ,Sidoo kale waxa naloo xaqiijiyey in uu Maandooriya loo yaqaan Khamrada ku balamiyey askar gaara oo marka uu soogalayo magaalada gaadhigaas soo fuusha si looga siidaayo Kaantaroolka laga galo magaalada Berbera askartan ayaa ah kuwa gaarka u ilaaliya maayarka oo markey Booliska Kaantaroolku arkaan iyagoo aan baabuurkaa baadhin Birta ka qaada.

Guryahan ayaa ah Qaar ay ku qayilaan Madax uu ka midyahey maayarku kuwaas oo aad marwalba ku arkeyso Hablo dhalinyaro ah oo galaya iyo Qaar kasoo baxay oo dhamaantood labarey Balwada baabiisey wadanka Somaliland ee Qaadka waa maayarkii ugu horeeyey ee magaaladan Berbera ka furey guryahaa dhaqan xumada lagu barto. Dadweynaha magaalada ayaan iyagu ilaa hada arintan badankoodu kaba war qabin iyadoo ay layaabtahey in ay ogaan waayaan guryaha ubadkooda loo furey in lagu baabiiyo.

Shaqaalaha dowlada hoose ee magaalada Berbera ayaa iyagu dhib ku qaba Maayar oo maalinta uu xafiiska soo haleelo isagoon saaxi aheyn waxa uu ku dhexdhacaa shaqaalaha isagoo marwalba qaarkamida shaqada ka joojinaaya xaga uu hadana qoraayo qaar cusub oo aan lagaraneyn meel ay ka yimaadeen.

Gudida wanaagfarista iyo xumaan reebida ee ayaan guud ahaanba arintan waxba kala socon iyagoo marwalba kubaaqa inay qabqabanayaan qofkasta oo xumaan iyo dhaqan xumo wade balse layaabku waxa uu yahey iyagoon ilaa hada mudadaa 7 bilood ah ogaan.Dhanka kale waxa iyana maayarka la mida xubno sadex 3 ah oo ay aad usaaxiibyihiin kana tirsan golaha deegaanka ee magaalada berbera.Arintan ayaa ah ceebtii uwayneyd ee soo waajahda golaha deegaanka ee magaalada berbera . Isku Soo wada duubo arintan hadii aaney gudida wanaagfaristu wax kaqaban waxa halkaa ku baaba’aya dhalinyarada magaalada oo ah Ubaxii wadan Sidoo kale ceebtu waxay saarantey golaha deegaanka ee magaalada Berbera waxaana iyaga ku waajiba in ay maayarka ku soo oogaan MOOSHIN si ay guryahaasi ubaaba’aan marka ay waayaan wax bixiya lacagtooda.

SDN/QJ-Berbera

contact@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed