|

Hooyada Dhashay Wiilkii Taayirka Diyaaradda Galay Oo Si Murugo Leh Uga Sheekaysay Sababta Keentay Haliska Wiilkeedu u Badheedhay

Sheed-dheer:Apri,25,2014(SDN/QJ)-Hooyada Dhashay wiilkii dhawaan isku qariyey Taayirka Diyaaraddii maraykanka iskaga kala duulaysay, ayaa si Murugo leh uga warrantay dhacdadaas adduunka oo dhami ka sheekaynayo.

taayriHooyada Wiilkan yar dhashay oo magaceeda ku soo koobtay Ubax, una warramaysay qaar ka mid ah Warbaahinta Soomaalida, ayaa Eedda Dhacdadaas uu wiilkeedu geerida ugu badheedhay dusha ka Saartay Aabaha Dhalay Wiilkan oo ay ku sheegtay inuu Carruuta u sheegay inay Hooyadood dhimatay.

Hooyo Ubax oo iyadoo ilmaynaysa Warramaysay ayaa sheegtay inay ku jirto Xero Qaxooti oo ku taalla Dalka Ethiopia oo lagu Magacaabo Sheed-dheer, taas oo ay ka rajaynayso in dalka maraykanka Ogolaansho laga siiyo.

Hooyadani waxa ay tilmaantay inay kala tageen Aabaha dhalay wiilankan yar, isla markaana dhammaan Qoyska Carruurtu ka soo jeeddaa ay u diideen inay carruurteeda la soo xidhiido, “aad iyo aad ayaan uga qiirooday arrintaas markii aan ogaaday, wax teleefan ah oo xagiisa ah waa la diiday, qoyskisuna way ii dideen in numberkiisa la isiiyo, waan kala tagnay aabahood, laakiin waxan ka xumahay noloshuu Aabihii igu qariyey oo uu carruurtayda anoo nool iga xabaalay.” Ayey tidhi Hooyo ubax.

Hooyo ubax waxa ay sababta uu wiilkeedu khatartaa ugu badheedhay ay tahay sidii uu hooyadii u arki lahaa, waxana ay tidhi, “Waxa uu isku soo biimeeyey inaan dhintay baan u sheegay markii dambena inaan noolahay ayuu  ogaaday,”

Waxa ay maamadani ka codsatay dawaladda maraykanka iyo caalamkaba in wax laga qabto tallaabooyinka uuu Aabahaasi ku kacay, waxana ay tidhi, “waxa uu leeyahay inay dhimataan u sheegay, umadda iyo maraykankana waxan ka codsanayaa in ilmahayga si naxariisleh wax uga qabtaan oo ay na xidhiidhsiiyeen.”

Hooyadani waxay sheegtay in Aabaha dhalay carruurta ay wada xidhiidhi jireen xilliyadii ay Afrika wada joogeen, balse markii ay Maraykanka tageen uu xidhiidhkii Goostay,

 “waxa uu ugu talo galay inuu ilmahayga na kala qariyo inuu magaciisii beddelayna waa la ii sheegay, markii uu  halkan joogay wuu ila soo xidhiidhi jirey oo teleffoonka Carruurta wuu iigu dhiibi jirey, markii uu Maraykan tegayna isbeddel weyn ayuu sameeyey waxan aan ku sameeyeyna ma garanayo.” Ayuu tidhi Hooyo Ubax.

Dhacdadan ay Hooyo ubax ka warrantay ayaa ah mid adduunka oo dhan si weyn looga hadal hayo, waxana ay arrintani shaaca ka qaaday in Aabaha dhalay wiilkan yari uu Ubadka siiyey war aan Run ahayn oo ah in Hooyadood dhimatay, taas oo ay markii dambe ogaadeen inay nooshahay.

SDN/QJ-Hargeysa

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed