Golaha Wasiirada ee Somalia iyo Arrimihii ay kaga Wada hadleen Shirkoodii Maanta
Muqdisho 24.April (SDN/QJ)- Golaha wasiirrada ee xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta kulan looga hadlayay amniga dalka waxa ay ku yeesheen xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho.
Kulanka waxaa shir-guddoominayay raysul wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed.
Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya Ridwaan Xaaji Cabdiweli oo kulanka kaddib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in golaha wasiirrada ay maanta ka hadleen qodobbo dhowr ah oo khuseeya ammaanka dalka iyo shirkii qaran ee looga hadlayay amniga ee shalay lagu soo gabagabeeyay Muqdisho.
Afhayeenku wuxuu tilmaamay in wasiirrada ay sheegeen in ay wax badan ka qaban doonaan arrimaha la xiriira ammaanka, isla markaana la dardargelin doono howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.
Muqdisho SDN/QJ.
Contact@qurbejoog.com
Contact@Somalidiasporanews.com