SHEEKO:Wadar Jacayl Iyo Waalidkii Is Hortaagey Q:2aad W/Q Maxamed Jiciir Aw Axmed
Muuna wakhtigaasi waxay la nooleyd Ayeydeed Hooyo,iyo Wiil ay Walaalo yihiin oo markaasi Bare School ka ahaa Magaalada Daroor ee ismaamulka Somalida Itoobiya
,dhibaatadaasi Muuse iyo Muuna kala soo gudboonatay Dhinaca Waalidkeed,Waxaa u dheerayd in maalin maalmaha ka mid ah Muuna Walaalkeed war isku dira loo kala qaaday iyadoo Muuna Walaalkeed lagu yidhi walaashaa miyaad ka reebi kari weyday ninkan ay mar walba agtiisa ku sugantahay.
Muuna Walaaleed waxaa uu qaatay hadkii looga soogudbiyey Muuna iyo Muuse waxaanu habeen habeenada ka mid ah Muuna ku dhexsugay gurigii ay daganayd iyadoo wakhtigaasi ku maqneyd dhinaca muuse,waxaanu inantii markii ay timid gurigii isagoo aan waxba weydiin uu ugu jawaabay gacan ka hadal isagoo weydiinayey Su”aalo ay ka mid yihiin wakhtigan xagee ayaad ka timid.
Iyadoo uu wakhigu yahay Habeenimo,cirkana ay hadoodilan yihiin darooro,iyo fadad madow,jawiguna uu wakhtigaasi aad u qabowyahay oo dad iyo duunyo aan loo adkeysan Karin dhaxanta iyo gabadanada dhacaysa.ayaa Muuna walaalkeed waxaa uu Muuna dibada ugu soo saarey shandadeedii isagoo ku celcelinayay weedho ayna jeclaysan dhagaha Muuna ku waasi oo ay ka mid ahaayeen qabo ninkii aad ku maqneyd wakhtigan.
Muuna oo ilmada iska tireysa oo ka murugaysan dhibta ku dhacay iyo walaalkeed sida arxan darada ah ee uu ula dhaqmey,ayaa waxay go aansatay in ay ka soo guuragasho oo ay toos u soo aado Gurigii uu dagana Muuse ,iyadoo Muuse ugu xaqiiq warantey dhibta ay kala kulantey Walaalkeed iyo gurigii ay dagnayd isla markaana tustay nabaro badan oo ku yaala meelo ka mid ah jidkeeda.
Muuse oo markii uu indhaha saarey dhaawacyada ku yaala Muuna u kacay si ay ka muuqo cadho isagoo u dhaqaaqey goob caafimaad si uu uga soo daweeyo Muuna ,iyadoo wakhtigaasi ahayd xili ay rawaxeen guud ahaanba goobaha Caafimaadku,waxaanu Muuna geeyey goob wakhtigaasi xidhneyd oo uu ku garaacay,iyadoo uu Muuse Kalkaaliyihii Caafimaad ee ku sugnaa (Pharmacy ga ka Codsaday in uu si deg deg ah u daaweeyo,waana laga diiday iyadoo la weydiiyey in uu sito war qad dhaawac muujin,
Muuse waxaa ku qasbanaatey in uu doonto war qad dhaawac muujina oo uu aado Goob Bileys,waxaanu ka fikirey in la weydiindoono cida ku dhufay nabaradan qofkan dhibanaha ah ee uu wado ,Muuse isagoo ka talinaya Muuna Caafimaadkeeda iyo sidii loo daaweyn lahaa waxaanu dusha iska saarey kiistii Muuna isagoo Bileyska horteeda ka sheegay in uu isagu u gaystay nabaradani waxaanu ku guuleystay in la siiyo War qad dhaawac Muujina,isagoo kula noqday Pharmacygii lana daaweeyey Muuna,
Markii uu waagii baryey Muuse Waxaa uu muuna ku Amrey in ay u tagto gurigii Hooyadeed oo ay Muuna Hooyadeed wakhtigaasi daganayd Deegaan lagu magacaabo Gudubi oo dhinaca Bari ka xigta Magaalada Daroor,oo ay la soo joogto inta uu muuse u diyaarinayo gurigii ay dagi lahaayeen iyo kharashkii uu ku maareyn lahaa Arimaha Aqal galkooda.
Muuna oo garwaaqsatay hadalka Muuse ayaa waxay u Anbabaxday Deegaankii ay Hooyadeed Daganeyd ,Muuna markey maqneyd mudo ku siman Todobaad,ayaa waxay Muuse u soo dirtay Warqad(Dhambaal)oo ay Muuse ugu iftiiminayso in ay Hooyadeed si qoto dheer ugala xaajootay Arintooda Hooyadeedna ka aqbashay.
Dhambaalkan Bushaarada iyo Farxada Xambaarsan ayaa u dhignaa sidan:
“Muuse Hooyo wey ila qaadatay Arinteenii ,Sadex cisho ka dibna waxay imanaysaa Magaalada Daroor waxayna doonaysaa in aydun kulantaan,si aad uga wada hadashaan Arimaheena”
Waxaa la yidhi talo iskuma kaa sheegtee iyadoo Balantii Muuse iyo Muuna Hooyadeed ay ka hadhay hal maalin ayaa Muuse waxaa ku soo kordhay arin taasi oo ku khasabtey in uu u baxo Deegaanka Gaashaamo, Hore ayaa loo yidhi Balan daro waa diin daree,wakhtigu wuxuu isguraba,waxaa gaadhay Balantii ay la haayeen Muuse iyo Muuna Hooyadeed waxayna Muuna Hooyadeed Timid Magaaladii Muusana wey weyday iyadoo magaalada ku sugnayd mudo kooban,Muuse Waxaa uu magaalada Daroor ku soo laabtay iyadoo ay magaalada ay ka tagtey Muuna Hooyadeed,Muuna Hooyadeed iyadoo ka xumaatey is waaga iyada iyo Muuse,Nafteedana ku qancisay in uu muuse u badheedhay balan daradaasi, ayaa markii ay Muuna ku noqotey Waxay Muuna ku Canaanatey in uu muuse ku sameeyey balan daro iyadoo u sheegtay in ayna Muuse Is arag kuna tidhi ma isgaa ninkani danba kaa leh.
Muuni aad ayey uga xumaatay Arintaasi uu sameeyey Muuse waxayna mar labaad Muuse u soo dirtey Warqad(Dhambaal Fariin) taasi oo ay muuse ku canaanayso iyadoo weydiinaysa sababta uu Hooyadeed Ugu Iman waayey,oo leh miyaa la isku keen direy Warqadaasina Muuse waa la soo gaadhsiyey
La soco qaybaha dambe.