|

Ciidanka Qaranka Somaliland Oo La Wareegay Deegaanka Hol-hol, Fadhiisimo ay Samaysteen iyo Laba Cali Oo Ka Maato- Baxay Deegaanka Taleex

Hol-hol:April,24,2014(SDN/QJ)-Cutubyo ka Tirsan Ciidanka Qaranka Somaliland ayaa saaka ku waabariistay Deegaanka Holhol ee Gobolka Sool.

qaranikaWararka Soo Gaadhaya Qurbejoog.com ayaa sheegaya in ciidamo tiro badan oo wata Gawaadhida Gaashaaman Ee Dagaalku ay saaka si xasiloon u galeen Deegaankaas

Ciidamada ayaa la sheegayaa inay halkaas Fadhiisimo ka samaysteen, isla-markaana ay si nabadgelyo ah ku joogaan dhulkaas, iyagoo dadka shacabka ahina ay si caadi ah Hawlahoodu u gudanayaan wax cabsi ahina aanay jirin.

 

Cutubyo ka tirsan ciidankan ayaa la sheegayaa inay ku wajahan yihiin Deegaanka Yoocada oo ka mid ah Meelaha ay Maleeshiyada Khaatumo inta badan joogtay, waxana la sheegayaa inay jiraan difaac ay kooxda Khaatumo halkaas kaga jirto si ay iska caabin iskugu daydo.

 

Sidoo kale wararka ka imanaya Deegaanka Taleex oo ay dhawaan ciidanka Somaliland ka soo baxeen ayaa sheegaya inay maleeshiyo Beeleedda Khaatumo si weyn difaac uga gashay halkaasi, iyagoo ka cabsi qaba in ciidanku mar kale ku ruqaansadaan.

Ciidamada Somaliland ee Aagga Bariga Sool ayaa ayyaamahan wada Dhaqdhaqaaqyo lagu sugayo amniga Deegaamada ay maleeshiyad Khaatumo ku sugan tahaya, waxana jira dhaqdhaqaaqyo ay kooxdaasi qudheedu ugu diyaargaroobayso isku day difaac.

 

Sarakiil ka tirsan Kooxda Khaatumo oo uu hoggaaminayo Cali Khaliif Galaydh ayaa la sheegayaa inay ka baxeen Deegaanka Taleex, iyagoo  ka cabsi qaba in ciidanka Somaliland ay gacanta ku qabtaan.

 

SDN/QJ

 

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed