Afhayeenkii Madaxtooyada Somalia Eng. Yariisow Oo Iscasilay
Muqdisho:April 24, 2014(SDN/QJ)-Wararka Hoose ee aanu ka Helayno Madaxtooyada Somallia ayaa sheegaya in Afhayeenkii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Eng. Yariisow uu iscasilay.
Ilo wareedyo ku sugan Villa Somalia, ayaa sheegay in Eng Yariisow uu xilkaas iska casilay Arbacadii shaley.
Si dhab ah looma oga sababaha keenay in uu Yariisow xilkaas iska casilo, balse waxaa laga soo xigtay in uu go’aankaas ku qaatay sidii uu furssad u siin lahaa da’yarta ku hamiyeysa Siyaasadda.
Yariisow ayaa horre ula soo shaqeeyay dowladihii KMG ah ee dalka soo maray waliba kuwiii ugu dambeeyay oo xittaa laba jeer wasiir ayuu ka noqday.
Sidoo kale Yariisow waxaa uu soo noqday Agaasimaha Idaacadda Barkulan.
Xilka lataliyaha & afhayeenka madaxweynaha waxaa loo magacaabay bishii April ee sannadkii 2013-ka.
Intii uu xafiiska hayay waxa uu door muhiim ah ka qaatay in wararka ka soo baxa madaxtooyada uu saxaafadda caalamka iyo kuwa gudaha u bandhigo, isagoona gacan ka geystay in uu madaxweynaha la hadlo warbaahinta caalamka kuwa ugu caansan.
Yariisow inta aan lagu dhawaaqin guddoomiyha gobalka Banaadir Gen Muungaab, waxaa la sheegay in uu doonayay in uu xilkaas qabto.
Madaxtooyada Somalia iyadu wali wax war ah kama ay soo saarin iscasilaadda uu yariisow Gudbiyey.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com