Tobanka qodob ee wax soo jeedinta
Xirfada cod karnimada iyo aftahanimadu waa wax ku abuuran gudaha qofka billi-aaddankaa oo ilaah haybad u siiyay.balse, waxaynu halkan ku soo qaadan doonaa toban qodob oo aad ku kasban karto dhageystayaashaada marka aad wax soo jeedinayso. Waxaana ka mid ah :-
- 1. Ha ka dhigin soo jeedintaada mid aad u dheer.
- 2. Ha ka faaloon wax ka badan afar ama shan qodob.
- 3. Yaan lagugu arkin qosol xad dhaaf ah iyo cadho toona.
- 4. Ha u taagnaan sidii qotin meel kali ah. Laakiin, same dhaq-dhaqaaq sida:-{gacanta oo kor u qaado, ama adoo madaxa dhaqaajinaaya iwm…}
- 5. Ha ka ku hadlin cod qudhaata{kali ah}. Balse, badal qaab dhaca codkaaga. Mar dalac, mar hoos u dhig marna xanshaashaq.adoo ku daraya hadalo kul-kulul, waano ama hadalo cad-cad. Islamarkaana meel u yara banee {yara aamus, hadana bilow…………}
- 6. Ha isku dayin in qof kaa jeesto ama meel xoqdo. Isticmaal hadalo culus oo ku saabsan dhankooda, sida maahmaah aan dhamaystirnayn,sarbeebo ama hadalo xikmado ah; adigoo isticmaalaya ereyadan:-(hadii, xagee, markii, kuma, wakhtigee, qof idinka mid ah ma garanayaa, miyaad aragteen iyo waan arkey.}
- 7. Ha isku dayin inaad la qososho dadka ama la sacabiso. Aamusnow daqiiqado, dhig gacmahaaga miiska wada hadalka {stage ka} ama ku dhufo shay.
- 8. Ha fadeexadeyn qof si wanaagsan loo yaqaan, kaas oo sumcad ku leh bulshada dhexdeeda{ha noolaado ama ha dhintee}.
- 9. Ha amaanin naftaada ama ha amaanin qof si fiican loo yaqaan oo aad taageerto.waligaa ha dherernaan{taagnaan} laakiin, isu qalooci midig ama bidix. Oo tilmaam qof sumcad xun leh ama jabiya oon oofin balamaha oo la yaqaan.
- 10. Ha faro galin dadka kaa soo hor jeeda arimahooda shakhsiyadeed ama ceebahooda; laakiin, tilmaam meelaha daciifka ka yihiin oo sax adigu. Fiiq oo tag gacantaada si ay u wada eegaan dadku. Deedna tilmaam dhabarkooda danbe si ay u jaleecaan dhamaantood xagadanbe. Kaga bax hadalka maahmaah ama shay kale oo raad ku reeba xasuusta dadka.
W/Q; sakariye waddani
Email:caaqi_daalo@hotmail.com
FACEBOOK: sakifaysal@gmail.com